fb

La Yaabkii Magaalada Yaallay Iyo Odaygii Looga Magac Daray Duni Aakhiru Samaan Qalinkii Muna Axmed Cumar

Published: May 4, 2015, 10:06 am

Koob shaah oo aad u kulul ayuu kolba fiiq ka siinayaa indhahana magaalada ayuu ku daawanayaa. Wuu yaabban yahay waliba aad buu u fajacsan yahay. Yaabku maantuun kuma

cusba ee waayadanba waa yaabbanaa. Muxuu ka yaabban yahay? Wuxuu ka yaabban yahay wax walba! Magaalada ayuu ka yaabbanyahay, dadkeeda ayuu ka yaabban yahay, dhallinyaradeeda ayuu ka yaabban yahay, nidaamkeeda ayuu ka yaabban yahay, axwaasheeda ayuu ka yaabban yahay.

Oo muxuu ula yaabban yahay ee ka qaldan magaalada. Waxba kama qaldana ee dhawr wax ayaa isu gali la. Su’aalo ciiddaa iyo camaarkaa ka badan ayuu is waydiinayaa. Sida ay wax u socdaan ayuu ka amakaagsan yahay. Siday wax ahaan jireen ayuu xusuus ku hayaa sida ay wax noqon doonaana ma saadaalin karo. ‘Duni aakhiru samaan’ ayaa afkiisa ka soo hadhay. Mar kasta ereygaa wuu isticmaalaa. Markuu aad u yaabban yahay ha ugu isticmaal batee. Qolooyin badan oo uu maqaaxida shaaxa ka cabbo ku barjeeyaa waxay u bixiyeen odaygii ‘Duni Aakhiru Samaan’

Da’diisu toddoba tobnaad ayay kor u dhaaftay. Dhabarku wuu soo godmay indhahana si aad ah wax ugama arko. Dhegaha laftooda aad wax ugama maqlo. Maalintii loo wanqalay dhawr iyo toddobaatan sanno ayaa laga joogaa. Wuxuu u soo joogay waayo badan. Alla muxuu waayo soo maray. Khibradda iyo waaya aragnimada uu deegaankiisa ka hayo cid kaleba kama hayso. Waa maktabad soconaysa. Sanadahan u danbeeyay ee uu talax gabay oo inankiisu magaalada u soo raray mooyee noloshiisa badankeeda wuxuu ku qaatay miyiga. Waaguu da’da yaraa wuxuu ahaa nin xoolo badan wuxuu ahaa nin talada reerka gadhka u haya. Wuxuu ahaa dhaqan yaqaan iyo odayga reerka.

Laba sanno ka hor maalinti uu magaalada u soo guuray aad buu ula yaabay nolosha magaalada taal. Marka laga yimaaddo magaalada dhaldhalaalkeeda iyo raaxadeeda wuxuu aad uga fajacay nolosha ay dadka magaalada deggani ku nool yihiin ee gabigeeduba dhalan rogan. Wuxuu Is bar bar dhigay nolosha miyiga iyo tan magaalada taal. Wuxuu ka fajacay sida dhaqankii iyo xeerkii uu ku yaqaanay miyiga aan halkan looga isticmaalin. Wuxuu ka amakaagay sida aan danba looga lahayn waxyaabo aad ugu waynaa markii uu joogay miyiga.

Xergeeye maalmihii hore wuxuu moodi jiray in ay dadku af kale ku hadlayaan. Dhegihiisu waxay maqli waayeen afsoomaaligii saafiga ahaa. Afsoomaali waxyaabo kale ku dhex laaqan yihiin ayuu la kulmay. Waxay marnaba ishiisu qaban wayday gabadh xidhan hiddihii iyo dhaqankii qurxoonna. Labis aanu hore u arag ayuu ku arkay dumarkii magaalada. Wuxuu arki waayay weelkii iyo maacuuntii qiimaha badnayd ee uu yaqaanay. Xoolihii uu ku indho doogsan jiray ayuu waayay.

‘Duni aakhiru samaan, Soomaaliba lama moodo dadkan’ ayuu hadal ku bilaabay ‘Ummad waliba dhaqan ayay leedahay oo ay ku faantaa tallow innaga keenii mee? Maxaynu kaga duwanahay dadyowga kale? Cajiib. ‘Odaygii duni aakhiru samaan maanta miyuu khafiifay sowka isla sheekaysi bilaabay?’ ayay isa su’aaleen laba meel aan ka durugsanayn barta odaygu shaaha ku cabayay ku barjaynayay.

Kaaf iyo kala dheeri! Isna wax baa u muuqda oo dayac baa u muuqda, dhaqan geddis baa u muuqda, soomaalinimadii oo sii lumaysa ayaa u muuqata, afkii oo sii abaaroobaya ayaa u muuqda, suugaantii hodanka ahayd oo sii baaba’ysa ayaa u muuqata iyaguna odayga ayay la yaabban yihiin isna iyaga ayuu ka yaabban yahay!

Duni aakhiru samaan

W/Q Muna Axmed Cumar


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply