fb

Kororso Aqoontaada Oo Wax Badan Ka Ogoow Lix Su’aal Oo Hadii Lagu Weydiiyo Aad Jawaab u Weeyn Laheyd..

Published: May 7, 2015, 9:19 pm

KORORSO AQOONTAADA.

Nin ayaa wuxuu damcay inuu Imtixaamo Imaam Shaafici, isagoo Oranaaya:- Imaam Shaaficiyoow waxaad ii sheegtaa?

1- Waajib dhexdiisa.

2- Waajibka Waajibkiisa.

3- Salaad aanan Waajibka aheyn.

4- Salaad lagaga tegay Waajib.

5- Salaad Dhirir iyo Balaarnaan ahaatay.

6- iyo Salaadda Cirka iyo Dhulka dhexdooda ahaatay.

Intaas ka dib Imaam Shaafici ayaa ku jawaabay:-

1- Waajibka waa Salaada Shanta ah.

2- Waajibka Waajibkiisa waa Weysada Salaadda loo Weysa qaato.

3- Salaadda aan Waajibka aheyn waa Salaadda Caruurta inta eysan Qaangaarin tukadaan.

4- Salaadda lagaga tegay Waajib waa Salaadda Ruuxa Saqraansan.

5- Salaadda Dhererka iyo Balaarnaanta ahaatay waa Salaaddii Nabi Yuunis CS, uu ku tukaday Caloosha Kalluunka dhexdiisa.

6- Salaadda Cirka iyo Dhulka dhexdooda ahaatay waa Salaadda uunka Midka ugu Sharafta badan Sayidkeena Muhammad CSW, loo soo dhiibay.

Wabillaahi Towfiiq.
(ALLOOW ISLAAMKA U GAR-GAAR).
W.Q:- Macoow Ustaad.


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply