fb

Haddii aad maqasho gabadhbaa jeclaatay nin faqiir ah, waxa aad ogaataa in ay tahay gabadh waalan..!!

Published: May 7, 2015, 11:12 am

Waa sideed xikmadood oo aay idiin so xuleen bahda kobciyemedia.com xikmad weliba markaad akhriso isku day inaad fahanto macnaha rasmiga ah aay xambaarsan tahay, qodobka kugu saameynta badan waxaad ku reebtaa dhanka hoose ee fikradaha.

1. Jacaylku waa sida ubaxa, qodaxdiisa ifisaana waa haweenka.

2. Jacaylku waxa uu daciifiyaa dhowrsoonaanta iyo anshax wanaagga gabadha.

3. Jacaylku waa ciyaar ay isugu soo baxaan nin iyo gabadhi, gabadha ayaan guulaysata mar kastaba, waase haddii ay iyadu doonayso in ay guulaysato.

4. Jacaylku ragga waxa uu ku yahay cudur dilaa ah, dumarkana waa u nolol badhaadhe iyo farxad nololeed.

5. Haddii aad maqasho gabadhbaa jeclaatay nin faqiir ah, waxa aad ogaataa in ay tahay gabadh waalan, haddii kale dhegehaaga ayaan caafimaad qabin ee hubi maqalkaaga.

6. Haddii ay gabadhu ninka jeclaato waa ay u baqdaa, haddii uu isagu jeclaadana waa ay ka baqdaa.

7. Jacaylku fasax ayuu gabadha uga qaataa gelidda qalbigeeda, laakiin ninka xoog ayuu ku galaa.

8. Haddii aad aragto nin kaaga cabanaya qallafsanaan iyo macaamil kakan kala kulmay gabadha, waxa aad ogaataa in uu yahay nin mar horeba isu dhiibay oo qalbigiisu uu labadeeda gacmood ku jiro.


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

6 Comments : Haddii aad maqasho gabadhbaa jeclaatay nin faqiir ah, waxa aad ogaataa in ay tahay gabadh waalan..!!

  1. deeq says:

    7. ayaa iga yaabiyay

  2. QAASIM says:

    7 ayaan kayabay

  3. nur cali nur says:

    waxaaan aniga aad ula yaabay qodobka 6aad gabafhu hadeey ninka jclto weey ubaqdaa haduu jclaadane weey ka baqdaaa

  4. Qodobka 2-laad ‎؛‎ jacaaylka waxa uu daciifiyaa dhoowrsonaanta ansha wanaaga kabadha- runtii qodobkaan waa xaqiiqo jirta.

  5. awlaad jcl says:

    5 ayaan kawalaacay

  6. awlaad jcl says:

    5ayaan kawalaacay

Leave a Reply