fb

Dhacdo Naxdin badan: 17 Jir Garaacis iyo Jirdil nafta looga qaaday Magaalada Qardho (Warbixin Muruga leh + Sawirro)..

Published: May 8, 2015, 12:26 pm

Magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar ee maamulka Puntland ayaa shalay waxaa ka dhacday Dhacdo aad u naxdin gelisey dadka reer Qardhood kadib markii Wiil 17 jir ah Jirdil iyo Garaacis Nafta lagaga qaaday.

Wiilkan ayaa kamid ahaa dhalinyaro 76 ah oo ku Xaraysnaa meel dadka reer Qardhood ku magacaabeen Xabsi Gaar looleeyahay dadka maamulaana ugu yeeraan Collage lagu barto Quraanka iyo Culuunta Sharcig ah.

Xaruntan oo lagu magacaabo Al fajri Islamarkaana Faracyo ku leh magaalooyinka Garoowe, Boosaaso, Qardho iyo Gaalkacyo waxaa dhamaan xarumahaasi ku Xaraysan Arday u badan wiilal oo laga keenay wadamada Qurbaha kuwaasoo aan la ogayn waxa lagu baro Xarumahaasi iyo Manhajka ay qaataan midnaba.

Hadaba Dadka reer Qardho ayaa shalay ku waaberiistey dhacdo Xanuun badan oo Xabsi Collage ka Qardho kuyaaley ka dhacday kadib markii ninka maamulaha ka ah Xaruntaasi oo lagu magacaabo Qaasim X C/raxmaan Ibraahim uu jirdil iyo Garaacsi Nafta kaga qaaday Camaar C/xamiid C/xakiin oo ah 17 jir Soomaali Maraykan ah kuna dhashay gooblka Mennasota ee dalkaaasi Maraykanka.

Dadweynaha magaalada Qardho ayaa Xoog ku galay Xarunta dilku ka dhacay iyadoo ay kasoo daayeen Ardaydii ku jirtey oo midkasta sida la sheegay Silsiladi ugu xidhnayd Sariirta uu ku seexan jiray, Waxaana Arydaydaan ay kasoo kala jeedaan goboladda Dhexe, Waqooyi iyo Koonfurta Soomaaliya iyadoo qayb kamid ah Waalidoontood lala xiriiray baabuurna la saaray.

Mid kamid ah Ardayda laga soo badbaadiyey Xarunta Xabsiga Gaarka looleeyahay ee Al-Fajri ayaa sheegay in Ardayda dhigata xarumahan dhamaantood ay ka yimaadeen Qurbaha lana baro Manhaj Xagjirnimo ah wuxuuna sheegay in Waalidiinta Caruurta dhalay meesha lacag lagaga gurto ardayduna dayacan yihiin.

“Anaga waalidkeen ayaa nasoo Khiyaamay, dhamaan Ardayda waa Qurbajoog waxaa lagu dhahaa ina keena Wadankii iyo dhaqanka aad soo barateen kadib halkaas ayaa lagu xereeyaa Qaar badan oo kamid ah Dawlada Maraykanku waxay qortay inay aadeen Ururada Daacish, Al-shabaab iyo Al-Qaacida,” Ayuu yiri mid kamid ah Ardayda oo la hadlay ishapuntland.comWaa-yarkii-dhinty

“Maanu aadin Al-shabaab Waxaanu u sheegaynaa dalalkaanu ka nimi in nala khiyaamay meeshana tacadiyo badan naloogu geystey,” ayuu hadalkiisa raaciyey.

Maxaa sababay dilka Wiilka

Sida ay sheegeen Ardayda meesha ku xabisnayd waxaa lagu dhigi jirey meesha Maadooyin Inxiraaf ah oo ay ka muuqato afkaarta ururada Xagjirka ah, Waxaana la sheegay wiilka dhintay inuu ahaa nin aad u dhiiran oo la dooda barayaasha Xarunta isagoo ardayda ku wacyigelin jirey inaysan qaadan figradaha khaldan waxaana la sheegay in dhawr mar loo han jebey.

“Macalimiinta qaar ayaa ugu Hanjbey dhawr mar inay dilayaan, Waxay dhaheen Waa Jaajuus Maraykan ah,” Ayuu yiri Arday ay Isku kursi ahaayeen.

Maamulka gobolka iyo midka degmada ayaa Xiray ninkii lahaa Xarunta iyadoo albaabada la isugu dhuftay xaruntii dilku ka dhacay hase ahaatee waxaa xarumo noocan ah ku yaalaan magaalooyinka dalka inta badan iyo faracyo kale oo ka jira qardho lafteedda.

Xarumahan ayaan ka diiwaan gashanayn Wasaarada Waxbarashada ee Puntland Waxaana dadweynaha magaalada Qardho xiligan yihiin kuwo siweyn u kacsan kana soo horjeeda in Xarumo noocan ahi kasii shaqeeyaan gobolka iyo Degmooyinkiisa.

Ninka Falkan Geystey oo ah maamulaha Xarumaha Al-Farjri lagu jirdilo Caruurtan hadana nafka gooyada geystey ayaa la sheegay inuusan waalayn iyadoo Bilaysku markay Su’aalo waydiiyeena uu sheegay inuu Jin ka saarayey.

1 2


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply