Daawo Muuqaal Magaalada Muqdisho oo Waji Cusub lasoo baxday iyo Muddo afar sana ah oo Magaalda Dar dar Xoogan ku socoto..

0

Magaalada Muqdisho Caasimadda Dalka Soomalaiya waxa ay hiigsaneysaa horumar dhinacyo badan leh, kaas oo hannaankiisu masuul ka yahay dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashaneysa shacabka Soomaaliyeed iyo saaxiibada beesha caalamka.

Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho waa xudunta Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya, waa halka kulmisa dhammaan dadka Soomaaliyeed oo mideysan, muuqaalka horumarinneed ee ka socda caasimadda ayaana ka turjumaya midka guud ee waddankeena ka socda, taas oo rajo weyn ku abuurtay bulshada Soomaaliyeed ee gudaha iyo dibedda ku nool.

Wax ka yar afar sannadood ayeey caasimadda ku sameysay horumar muggiisu weyn yahay, waxaana dib u soo laabtay si awood badan ganacsiga, adeegga bulshada iyo dhismaha guud oo isugu jira waddooyinka Laamiga ah hoteellada guryaha magaalada iyo xarumaha dowladda Soomaaliya taas oo si horu dhac u bilowdey in Dalxiis loo yimaado Muqdisho waxaana arrintaas ay dhiiragelisay dadaalka dowladda ee ku aaddan dhismaha waddanka guud ahaan.

Leave a Reply