Arrin xanuun badan: Gabadhaan waxaa loo geystay gaf xaq darro ah!! (Akhriso warbixin)

0

Gabar 15 jir ah oo Muslimad ah ayaa laga joojiyay inay qaadato xiisooyinka Fasalkeeda iyadoo lagu galayo labiska ay xirantahay dartiis.

Gabadhan ayaa loo diiday inay Fasalkeeda kusoo gasho Goono hoos u dheer oo ay wadatay. Wuxuuna mas’uul waxbarashada u qaabilsan deegaanka ay gabadhani ku nooshahay warbaahinta u sheegay in gabadha laga codsaday inay soo gashato dhar caadi ah oo aan kuwa ay markaas wadatay ahayn.

Waxay u muuqata in gabadha waalidkeed u diiday inay dugsiga kusoo noqoto marba haddii dharkeeda lagusoo celiyay, sida uu Patres Doto sheegay.

Wargesyo maxali ah ayaa sheegay in maamulaha Iskuulka ay gabadhan ceyrisay 16-kii iyo 25-kii April ka dib markii ay ku aragtay iyadoo ku labisan goono madow oo dheer, taas oo ay maamuluhu u aragtay astaan diimeed.

Sara oo ah gabadhan laga ceyriyay dugsiga ayaa waxaa caada u ahayd inay soo qaadato Indha shareer oo ay iska siibi jirtay marka ay dugsiga timaado. Arrinta ku saabsan goonadeedana waxay ka sheegtay inaanay ahayd mid culeys sidaas ah wadata oo goonado ay iska ahayd uun mid caadi ah.

Hey’ad tira koobta falalka takoorka iyo tacadiga ka dhanka ah Muslimiinta France ayaa waxay soo saartay warbixinay ku caddeyneyso in gabdho arday ah oo 130 ruux gaaraya loo diday galitaanka fasaladooda sanadkii 2014, kuwaas oo lagu diidayay labiska ay wataan oo loo arkay astaamo diimeed.

Leave a Reply