fb

Akhriso Lix Arimood Oo Keeno Baruurta Caloosha Iyo Calool weynaadka ‘Cayilka Caloosha Ragga’..

Published: May 9, 2015, 10:08 am

Marka hore waxaan ka hadlaynaa caloosha waxa weyneeya kaddib ayaan ka hadlaynaa waxa lagu yareeyo.

Caloosha waxaa sababa dhowr waxyaalood waxaan xusaynaa inta ugu muhimsan.

1-Murqaha Caloosha mar hadey daciifaan waxaa soo deg dego iney caloosha ku bataan baruurta sidaa awgeed ku dadaal jimicsiga caloosha

2- Dhaqdhaqaaqa oo yaraada sida ruuxa inuu badsado hurdada iyo fadhiga iwm.

3- Inuu ruuxa liqo hawada marka uu cunayo cunto ama wax cabbayo taas waxay keenaysaa in hawada ay mindhicirada gasho

4- Cashada kaddib inuu ruuxa seexdo isagoon waqti u dhexaysiinin hurdada iyo waqtiga

5- Sigaarka iyo shiishada taas waxay keenaysaa in hawo caloosha gasho,

6- Cuntada sokorta leh ama dufinta in la badsado

Maxaa caloosha lagu yareeyaa

Marka hore iska ilaali sabahan aan soo sheegnay teeda kale waxaad isku daaweyn kartaa shaah cagaar + sanjabiil cagaar + qasharka rummaanka oo qallalan + geedka (Mint) ama ( peppermint) lagu dhaho (nacnac) habeenkii intaadan seexan ayaad isticmaalaysaa.


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply