fb

33 Sano Oo Uu Macallin Wax Ka Baranayey, Waxa Uu Ka Faa’iday 8 Masalo Oo Ka Faa’ido Badan Boqollaal Dersi..

Published: May 7, 2015, 2:12 pm

Nin Caalim ahaa oo dadka cilmiga diinta u faa’idayn jiray ayaa maalin maalmaha ka mid ah waraystay ardaygiisii oo muddo 33 sano ah aan mar keliya ka fogaan, ayaa uu ogaaday in muddadaas dheer casharrada uu ardaygiisu ka faa’iday ay sagaal keliya yihiin.

Haddaba su’aashu waxa ay tahay sagaalkaa cashar ma yihiin kuwo u qalmayey waqtiga intaas le’eg. Qisadan oo ay xikmad badani ku duugan tahay waxaa afsoomaali u rogay webka kobciyemedia.com

Caalimkii ayaa ardaygiisii weydiiyey: Illaa goorma ayaa aynu wada soconnay?

Ardaygii: 33 Sano ayaa aynu rafiiq ahayn.

Caalimkii: Waqtiga intaas le’eg maxaa aad iga baratay?!

Ardaygii: Siddeed Masalo.

Caalimkii: Cimrigaygii oo dhan ayaa aan kuu huray, markaasaad siddeed masalo oo keliya iga faa’idday miyaa?!!

Ardaygii: Been ma sheegi karo, ee sagaalkaas dersi ayuun baan kaa faa’iday muddadaas.

Caalimkii: Bal hadda ii sheeg siddeedda masalo ee aad iga faa’idday?

Ardaygii: Ardaygii ayaa tiriyey, duruusta uu bartay:

1. Waxa aan bartay in ruux kastaa uu dunidan ku leeyahay hiwaayad iyo balwad uu jecel yahay oo uu ku raaxaysto, laakiin maalinta uu dhintay ay adduunyada kaga hadho. Markaasaan doortay in xasanaadka iyo cibaadada aan ka dhigto wehel iyo jacayl dhab ah, waayo waa shaqada keliya ee la hubo in ay qabriga kuu raacayso.

2. Waxa aan bartay qawlka Alle ee macnihiisu yahay, “Qofka ka cabsada hor-joogsiga uu Rabbigii hor-istaagi doono, ee nafta u diida hiwaayadda iyo in ay balwadaheeda raacdo, jannada ayaa hoygiisa ah” Markaasaan naftayda ka fogeeyey hawadayda, oo aan ku xasilay daacadda Alle.

3. Dadka oo dhan ayaan u fiirsaday, markaasaan arkay in qof kastaa uu si gaar ah u haysto shay qiimo badan ku ag leh, oo aanu marnaba dayacaad u quudhayn. Haddana waxa aan eegay, Hadalka Alle ee macnihiisu yahay, “Waxa aad haystaan waa uu dhammaanayaa, waxa Alle haystaana waa uu waarayaa” Markaasaa mar kasta oo aan hantiyo shay qiimo badan, waxa aan u bixistaa hore Alle si uu isagu agtiisa igu ilaaliyo. (Sadaqada maalka).

4. Waxa aan arkay dadkii oo dhan oo isugu faanaya, maal, nasab iyo tol. Kadib waxa aan eegay hadalka Alle ee macnihiisu yahay, “Alle agtiisa waxaa idinku qiimo badan, kina ugu Alle ka cabsiga badan” Markaasaan dhexda u xidhay cabsida Alle, si aan Alle agtiisa laan-dheere ugu noqdo.

5. Waxa aan arkay dadkii oo badhkoodba badhka kale ceebaynayo oo dhalleecaynayo, sababta ugu badan ee keentayna ay tahay xaasidnimo. Kadib waxa aan eegay hadalka uu Alle ku yidhi Qur’aankiisa ee ah, “Annaga ayaa noloshooda adduun u qaybinay” (Risiqa, lacagta, caqliga, fahamka, cilmiga, awoodda iwm). Markaasaan iskaga tegey xaasidnimadii, dadkiina sharkooda ka dheeraaday. Waxa aanan naftayda ku qanciyey in qaybtu ay xagga Alle ka timaaddo, markaasaan xaasidnimadii ka bogsaday.

6. Waxa aan arkay dadkii oo badhkoodba badh colaadinayo, oo dhiiggooda qubaya, markaasaan haddana eegay, hadalka uu Alle ku leeyahay Qur’aankiisa, “Shaydaanku cadow ayaa uu idinku yahay, ee cado dhigta. (U garta)” Markaasaan iskaga tegey colaadda aadamaha oo aan u ban-baxay colaadinta shaydaanka oo keliya.

7. Waxa aan arkay dadkii oo mid kastaa naftiisa u xanuunjinayo, una dullaynayo sidii ay risiq u heli lahayd, oo xitaa mararka qaarkood ay la gelayso wax aan xalaal u ahayn. Markaasaan haddana dib u eegay hadalka Alle ee uu leeyahay, “Ma jiro nool dhulka guudkiisa jooga, oo aanu Alle risiqiisu saarnayn” markaasaan nafta ku qanciyey in aan ka mid ahay noolahaas uu Alle risiqooda dusha u ritay ee dhulka uu ku dhaqay, sidaa awgeed waxa aan ku mashquulay waxa uu Alle aniga igu leeyahay ee waajibaad ka soo bixis ah, isagana (Alle) aan u dhaafay inta aan anigu ku leeyahay oo ah in uu i arsaaqo.

8. Waxa aan eegay dadkii, markaasaan arkay in mid kasta oo ka mid ahi uu ku tiirsan yahay oo uu talo saartay makhluuq kale oo sidiisa uun Alle u abuuray, mid maalkiisa iyo risiqa ayaa uu ugu tiirsan yahay, mid danihiisa kale, taladiisa iyo talada deegaankiisa ayaa uu ugu tiirsan yahay, mid caafimaadka ayaa uu u daba fadhiistaa, meel kasta qof ayaa uu u samaystay, markaasaan haddana dib u eegay Qawlka Alle ee macnihiisu yahay, “Kii Alle talo-saarta, Alle waa uu ku filan yahay” Markaasaan aniguna faraha ka qaaday in aan makhluuq talo saarto, kuna dadaalay in aan arrimahayga oo dhan Alle u talo saarto.


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply