fb

Shan Asbaab Oo Kuu Fududeynayo iney Kuu Kororto Arzaaqada ALLAH Kuu Qoray ‘Akhriso Oo Ku Dhaqan’.

Published: September 1, 2014, 11:49 am

ASBAABAHA KUU FUDUDAYNAYSA ARZAAQADA.

Fadlan Haddii aad dooneysid inuu ilaaheey Arzaaqada kuu Waasiciyo, Fadlan samee Qodobadaan:-

1- BADI ISTAQFAARTA.

Sida uu Allaah uu Quraanka inoogu sheegay, markuu Nabi Nuux CS, Qoomkiisa uu la Dardaarmaayey wuxuu ku yiri:- Haddii aad Rabtaan Maal iyo Owlaad Allaah Dembi dhaaf weydiista waad Heleysaan.

Rasuulkeena CSW, isna wuxuu yiri:- Qofkii Laazima Istaqfaarta, Allaah wuxuu u yeelaa Hammigiisam wuxuuna u Furaa Faraaj uu kaga baxo Ciriiriga.

2- TAQWADA ALLAAH.

Waa inuu Qofku la yimaado Taqwo hadduu rabo inuu Allaah Arzaaqada u Waasiciyo, Allaah SW, wuxuuyiri:- Qofkii Allaah ka Cabsada, wuxuu Allaah u Furaa Faraaj, wuxuuna ka Arzaaqaa meel uusan wax ka Fileynin.

3- TAWAKAL.

Waa inuu Qofku Allaah ku Kalsoonaado, oo uu Allaah Talo saarto.

4- QARAABADA OO LA XIRIIRIYO.

Rasuulka CSW, wuxuu yiri:- Qofkii raba Cimri Dheer iyo in Arzaaqada loo badiyo ha Xiriiriyo Qaraabadiisa.

5- WAX BIXINTA (SADAQADA).

Waxaad bixisaan oo Maal ah, waxaad heleysaan Beddelkooda.

=================================

(ALLOOW JANNADA NAGU ARZAAQ, YAA RABBI).

W.Q:- Macoow Ustaad.


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply