Wax Badan Ka Baro Kanna Ogoow Webiyada Jannada Iyo Magacyada Aay Leeyihiin.

2

MAGACYADA WEBIYAASHA JANNADA.

Jannadu waxay leedahay Webiyaal iyo ilo (Harooyin) oo ka soo wada Burqada Afarta webi ee ka yimaada Firdowsa, Magacyadooduna waxaa ku soo Arooray Quraanka waxaana ka mid ah:-

1- Webiga Al Kawthar: waa Webiga Jannada oo la siiyey Rasuulka Allaah CSW, oo ay ka Cabayaan Muslimiintu, Maalinka Xisaabta Qiyaamaha, oo ay Kabban doonaan, Kabbasho aan Dabadeed Oomi doonin (Haraadi doonin), Mahadda Allaah darteed, wuxuuna Rasuulka CSW, ku sheegay Webigaas in Xeebtiisa ay ka Sameysan tahay Luulka Qolofkiisa (Pearl Shells), Ciidiisuna ay tahay Misk, Biyahiisuna ay ka Cad yihiin Barafka (Snow), kana Macaan yihiin Sonkorta, Weelashiisuna ay yihiin Dahab iyo Qalin.

2- Webiga Al Baydakh: waa Webiga la Dhex geliyo Shahiidiinta oo ay ka soo baxaan ayagoo u Qurxan sida Bisha Habeenka Caddaha oo ay 14ka tahay, ayagoo ka Bogsaday Dhibkii Adduunka ku soo Gaaray Allaah dartiis.

3- Webiga Baariq: waa Webi ku yaal Albaabka Jannada, oo ay Fariistaan Shahiidiinta, oo loogu keeno Risqigooda Jannada, Habeen iyo Maalin walba.

======================

(ILAAHOOW JANNADA NOOGU BISHAAREE).

W.Q:- Macoow Ustaad.

2 COMMENTS

Leave a Reply