fb

Waa Maxay Cuqdad Nafsi, Muxuuna Ka Beermaa, Bini’aadamka kuwee Ayuu Ku Dhacaa?!!

Published: August 30, 2014, 12:05 am

Su’aal : Waa maxay Cuqdad Nafsi?

Jawaab: Cuqdad Nafsiku wuxu ka mid yahay cudurada ku dhaca admiga
gaar ahaan qalbiga ama maskaxda kaaso ka dhiga qofka ku dhaca sida qof
maqan ama mar walbo xanaagsan  ama inuu gaar uga baxo dadka kale asigo
dhibsanaya hadalka badan iyo arkida dadka u karahsanaaya.

Su’aal Haddaba yuu ku dhacaa Cuqdad Nafsiga?

Jawaab: Sida ay u sheegeen dhaqatiirta ku takhasusay Cilmu Nafsiga
shabakada Kobciye.com ayaa u sharaxeen cida si rasmiga ugu dhaco iyo
wadama ay u badan yihin, Cuqdad Nafsi ayaa waxa uu ku dhaca dadka ka soo
safara wadamadooda yimaadana wadamo kale si ay ugu nolaadaan ama ay wax
ugu bartaan sida dadka Soomaalida oo dunida kusii faafaya.

Kuma koobna oo kaliya Soomaalida ee waxa kaloo jira dad badan oo ajaanib ah oo ku dalka Suuadan haba u badnaadaanee dadka ka yimid Asia oo ka imaaday
wadamo qabow soona gaaray wadan kuleel kuwaaso ku jajabay Cuqdad
Nafsigu.

Su’aal: Maxaad u taqaanaa Cuqdad Nafsigu?

Jawaab: Cudurkani Cuqdad Nafsigu waxa uu aad ugu dhowyahay B.F-ta
gasha neerfaha. Taaso qofki qaba aan la hadlin umada kale weligisna iska
xanaqsan markaad fiiriso uu dood ku qabsanaya qofna aan wax ka haleen.

Su’aal : Maxaa sababa Cuqdad Nafsiga?

Jawaab. Waxa sababa Cuqdad Nafsiga murugada badan iyo waxa loo
yaqaana shiidka uu soo weeraro qofka iyo niyad jabka qofka ku dhaca.

Su’aal: Dalkee ayuu ugu badan yahay Cuqdad Nafsigu?

Jawaab. Waxaa uu ugu badan yahay Suudaan, Wadankan Suudaan ayaa waxa u
ku dhacaa ardayda ajaanibta ah iyo qaar ka mid dadka u dhashay wadanka,
iyadoo wadankan dadka inta badan ka cawaadaan Cuqdad Nafsiga.

Su’aal: Sidee looga badbaadi karaa ama looga hortagi karaa Cuqdad Nafsiga?

Jawaab. Waxa taqaatirka inta badan ugu baaqaan dadka qaba Cuqdad
Nafsiga in ay tagaan rugta Cilmi Nafsiga ee ugu dhow ama ay bulshada
dhax galaan.

Waxaan aragnay markuu ku qabto Cuqdad Nafsiga haddii aad dhax gasho
bulshada u ku daynaayo wax yar ka dib, u kalama soocna Cuqdad Nafsiga
yar iyo wayn iyadoo qofkii murug soo weerarta uu fa’idesanaya ugu
dambeyna noqonaya qof haya Cuqdad Nafsi..

W/D Caadil Xaaji Cabdi.


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

One Comment : Waa Maxay Cuqdad Nafsi, Muxuuna Ka Beermaa, Bini’aadamka kuwee Ayuu Ku Dhacaa?!!

Leave a Reply