fb

Sidee Ayey Macquul Ku Tahay Wakhti Yar Oo Kooban Inaad Ku Qabato Shaqo Aad U Faro Badan?!!

Published: August 24, 2014, 12:00 am

Qarnigan aynu noolnahay ayaa loogu magac daray qarniga technology-ga, waxaana horkacaya computerrada oo meelkaste yaalla, sida muuqatana wali wax toos ah oo badala ma soo dhawa, shaqooyin iyo hawlo badan oo aynu qalin iyo warqad ku qori jirnay ayaa maalinba maalinka ka dambaysa laga sii guuraya oo aaladaha casriga ah sida Laptopska, PDA’s-ka iyo Computers ku badalayaan. Laga soo bilaabo diridda fariimaha, qorida maqaallada, iyo waliba la xidhiidhida asaxaabta iyo dadka kale.

Hadaba iyadoo arinku sidaas yahay ayaa hadana inbadan oo inaga mid ahi ay hilmaamaan amaba dayacaan barashada qayb muhiim ah oo computerku leeyahay, waana qaybta xawaaraha qorida, iyada oo aad arkaysid dad badan oo far ama laba farood u adeegsanayaku qoritaanka computerka halkii ay far kasteba xarafkeeda u adeegsan lahaayeen, taasina waxa ay ku keentaa waqtiga oo ka dhaca iyo waliba hawsha oo ku badata.
Barasha la’aanta qaabka dagdaga ah ee computerka wax loogu qoraa waxay dhibaatooyin wayn u leedahay naftaada, waxaana kamid ah:

Waqti Lumis:

kasoo qaad inaad hadda 20 weedhood aad qortid halkii daqiiqo, taa macnaheedu waa waxay kugu qaadanaysaa inaad hal bog qortaa 30 daqiiqo, iyada oo waliba aan loo gayn waqtiga kaaga lumaya inta aad marna eegayso waxaad qortay marna fiirinayso keyboardka.

Dhibaato Caafimaad:

Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa “nimca kastaaba nusqaan lah” waqtiga faraha badan ee aad ku qaadatid dul fadhiga computerku wuxuu wax yeelo gaadhsiiyaa caafimaadkaaga, waxa aad ka qaadaysaa dhabar xanuun, qoorta oo ku xanuunta, iyo marmarka qaarkood oo miskuhu ku xanuunaan, sidaa awgeed si dagdaga oo aad wax ugu qortaa waxay kuu horseedaysaa inaad waqti badan ku qaadan computerka adeegsigiisa.

Sidaa awgeed kobciyemedia.com waxa ay kuusoo gudbinaysaa talada ah:

(GET MORE DONE IN LIESS TIME, BY TYPING FASTER) oo macnaheegu yahay.. Shaqo badan ku qabo waqti yar adiga oo kordhinaya xawaaraha aad wax ku qoraysid.

hadii aad rabtid inaad kordhisid xawaaraha qoraalkaaga computerka fadlan download garayso barnaamijkan aadka u fudud kadibna adeegso oo is bar qaabka dagdaga ah ee waxloogu qoro computerka.

large-downloadnow


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply