Shan Qodob Oo Hadaad Isku aragto Kuu Xaqiijinayo Inaadan Noloshaada Harumar Gaari Doonin..

4

Khajilaada ama xishoodka xadkiisa dhaafsani waxa uu qofka ku keenaa in uu dadka si haboon ula xidhiidhi waayo, iyadoo taasina sabab u noqota in uu qofku noloshiisa horumar ka gaadhi waayo, dhibaatooyin badanna uu la kulmo, iyada oo xishoodka la amaanay ayaa hadana farqi wayn uu u dhaxeeyaa xishoodka iyo khajilaada.

Hadaba 5-tan wax ee hoos ku xusan hadii aad isku arkagtid waxaad ogaataa in uu ku sifaysan tahay khajilaada aan fiicnayn:

1- Waxa kugu adag in aad xidhiidh cusub la yeelatid asaxaab cusub.

2- Wajigaagu wuu casaada oo dhiig-roor buu noqdaa marka uu kula hadlayo qof aanaad garanayni.

3- Ma sheegi kartid mana ka hor odhan kartid waxa maskaxdaada ka guuxaya dadka kale hortooda.

4- Waxa aad dareentaa warwar iyo walbahaar marka aad ka fikirtid in aad dadwaynaha hor istaagtid ood hadashid.

5- Waad iska ilaalisa bulshada kugu hareeraysan oo waxaad isku daydaa in aad badiyaaba kali ahaatid.

hadii aad tahay qof fiiro dheer waad aragtay in aan xabada 5aad ku qoray khad ka duwan kii hore, iyadoo aan ku muujinayay ahamiyada uu leeyahay qodobkaasi.

Hadaba intaasi kor ku xusan hadii lagaa helo waxa aad imaka laga bilaabo ogaataa in aad u baahantahay caawimo dagdag ah, mawduuca kan ku xiga waxa aynu kaga hadli doonna sidii aad uga takhallusi lahayd daaqadana uga tuuri lahayd khajilaada saaidka ah ee noloshaada in aad guulaysato hor istaagaysa, la soco mawduuca kan ku xiga.

4 COMMENTS

  1. Asc waxan la yaabey qofka waxan qorey
    1,xishoodka qofka leh waa kan dunida
    Ugu wanaagsan waayo qofka aan xishoon
    Imaan ma leh
    Naaqus iyo hore marna xag mina laah Ayaa
    Laga xugmiyaa,qofba qofka kale intuu ka asaxaab
    Badan yahay waa uu ka danbi badan yahay

    Wabillahi towfiiq

  2. wallhi sheka daan ad ayaan oga helay oo astama haan ama cala ma dahaan qaar ka mid ah anay ba i hayaan matka always kobxciye wa xa na sii saan wano mac quul ah
    dhaman yiin allh ifin xifdiyo
    web ka kobciye waxa igu dan bay say qoral an ka aqris to 2011 waxana hada bila bi do naa in an ku cir na do insha allaah wallhki tagero an idin ahay qasa tan ibraahi
    m kala foge
    one love kibciye ♥♥♥♥♥♥♥♥

Leave a Reply