Sawiro: Lix Tallaabo Oo fudud Si Uu Iphone-kaagu U Keydiyo Betriga Dabka Aad Isticmaaleysid.

3

Cusboonaysiintii ugu dambeysay ee taleefannada ay soo saarto shirkada Apple ayaa lagu soo bandhigay barnaamijka ay ku shaqeeyaan qalabkani oo loo yaqaan IOS 7, isagoo lasoo raaciyay waxyaabo aad u faaido badan una qurux san, balse dhibka kali ah ee aanuu wax xal ah u helin waa isticmaalka dabka ee baytariga mobile-ka isagoo markiiba si dagdag ah u laasanaya.

Markay arinkaas baadhitaan ku samaysay waxay akhristayaasheeda sharafta mudan usoo gudbinaysaa talooyinkan 6da ah ee kuu kaydinaya dabka baytariga iphone-ka..

Ka Faaidaysi Wacan:

1 Dami ama bakhtii cusboonaysiinta appska (Auto Update Apps)

waxyaabaha uu caanka ku yahay IOS 7 waxa kamid ah inuu si automatic ah u cusboonaysiiyo barnaamijyada ku dhex jira mobile-ka (Apps) isaga oon ku ogaysiin, taasina macnaheedu waxa weeye markaste oo uu cusboonaysiiyo amaba baadho cusboonaysiin uu ku sameeyo appska waxa uu adeegsanayaa awooda baytariga, sidaa awgeed waxa haboon si aad u joojisid arinkan inaad gujisid>Itunes & App Store>> Updates>>OFF.

2 Dami AirDorpka:

1-2

Sida wifi-ga iyo bluetooth-ka oo kale ayaa IOS 7 waxa uu leeyahay nidaamka layidhaahdo (AirDrop) oo loogu talo galay in xogta la isku dhaafsado qalabka noociisa oo kale ah, waxaanuu caan ku yahay nidaamkani inuu xawaare aad u sareeya ku shaqeeyo, sidaa awgeed waxay faaido.com kugula talinaysaa inaad damiso AirDrop markaste ood adeegsatid kadib.

3 Dami Parallex:

3

Parallex waxaa uu qabtaa inuu background dhaqdhaqaaqaya u ogolaado mobile-kaaga inaad ku adeegsato isla markaana waxa uu rogaa shaashada isaga oo la shaqaynaya qaabka aad u adeegsanayso mobilekaaga.

4 Dami Auto Brightness:

4

Waxa lagama maarmaan ah inaad damisid amaba joojisid Automatic Brightness waxa loo yaqaan oo ka shaqeeya in si automatic ah uu u daaro iftiinka shaashada, sidaa awgeed adigu naaqus oo ka dhig inta ay indhahaagu u arki karaan si aan madmadaw ku jirin una fiican kaydinta dabka baytariga.

5 Dami Location Services:

5

Barnaamijyo badan oo uu ku shaqeeyo iphone-ku ayaa baryahanj dambe waxa ay raadiyaan sidii ay u garan lahaayeen halka uu joogo adeegsaduhu, iyaga oo ku tiirsan nidaamka loo yaqaan Locations Services oo xaddida barta uu Iphoneku yaallo, sidaa awgeed waxaad damisaa nidaamkan waayo waxa uu aad u isticmaalaa dabka baytariga iphoneka, waxaanaad ka damin kartaa adigoo raacay talaabooyinkan> Settings>>Privacy>>Location Services.

6 Dami Raadinta Wifi-ga:

6

Waxyaabaha aad badiyaaba u baahnayn isla markaana markaste ka dhex shaqeeya barnaamijkan IOS 7 waxa kamid ah waxa loo yaqaan (Wifi Serching) oo macnaheedu yahay baadhid iyo raadin Wireless, sidaa awgeed dami marka aad u baahnayn adiga oo raacaya sawirka kor ku xusan.

DHAMAAD

Source Faaido

3 COMMENTS

  1. Asc Bahda War fafinta ee Kobciye Sln kadib Wad ku mahad San tihin Sida Wanaga uu ku jiro Ee Aad inoogu so tabisan Bar namijyada Lkn Arin Aya Jirta Arinta Oo Ah Wax Yabo Badan Aan Telaphone ka aad ku sheg ten Oo waxa Jirta aanan Arag So No faah faahiya Si aan u Ogano Hada Waxad le da hiin #Location #Services: Hala damiyo Telka wan ka radshay wana ka Wayay Marka Hlkeh Uga yalan Wax Ya ba Han Asc

Leave a Reply