fb

Qiso Gaaban Oo Cajiib Ah Qofkii ILLAAH Ka Xishoodo ALLAAH Wuxuu Abaal MArin Ugu Dhigaa Sidaan Oo Kale..

Published: August 15, 2014, 11:27 am

Qisadaan wuxuu Imaamkii weynaa ee Imaam Dahabi uga Sheekeeyey Kitaabkiisa Siyar Al-Axlaam. wuxuuna ku Bilaabay sidatan:- Dad badan ayaa Safar galay Xili Habeen ay tahay, markaas ayaa Waqtiga ku Dhacay oo meel Hawd ah (Duur) iskaga Hoydeen.

Markey isku Diyaariyeen iney Jiiftaan Duurka, ayaa waxaa yimid Libaax, dhamaantood wey Boodeen oo Geedka ayey Fuuleen, markii laga Reebo Hal Nin oo Xiligaas Salaatullayl ku jiray. Libaaxii wuxuu ku kor Wareegtay Ninkii Salaada Tukanaayey,

Ninkiina Salaadiisii ayuu iska sii watay, ka dibna Libaaxii isagoon, wax ku Sameynin ayuu iska baxay. haddaba Ninkii Kolkuu Salaadii Dhameystay ayaa Saxiibadiis ku yiraahdeen:- War Saaxiboow ma Waalan tahey sow maadan Arkeynin Libaaxa? Adigana waad iska Taagan tahay, maka Baqeysid miyaa inuu ku Cuno Libaaxa?,

Markaas ayuu ku yiri Saaxiibadiis:- Wallaahi waxaan ka Xishooday ilaahey, oo Anigoo Hor taagan Rabbigeyga inaan ka Cabsado, Khalqi ka mid ah Khalqigiisa.

(ILAAHOOW IIMAAN SUGAN NA SII, YAA RABBI).
W.Q:- Macoow Ustaad


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply