fb

Qiso Gaaban Oo Cajiib Ah Ninkii Miskiinka Ahaa Ee Nabiga SCW U Keenay Xirmadii Canabka Aheyd..

Published: August 23, 2014, 9:55 am

Maalin Maalmaha ka mid ah ayaa Nin Maskiin ah wuxuu Hadiyad ahaan ugu keenay Nabiga CSW, Xirmo Canab ah, markaas ayuu Nabiga CSW,

wuxuu Goostay Xabad ka mid ah Canabkii, wuuna Cunay, haddana wuxuu Goostay mid kale wuu Cunay, haddana mid kale ilaa uu ka Dhameeyay Xirmadii Canabka ahayd. Ninkii Maskiinka ahaa isagoo aad u Faraxsan ayuu baxay.

Asxaabtii la joogtay Nabiga CSW, mid ka mid ah ayaa ku yiri Nabiga CSW:- Nabi Alloow sidee baad u wada Cuntay Canabka Adigoo waxna inaga Siin?,

Markaas ayuu Nabiga CSW,yiri:- Canabka uu Ninka i siiyay wuxuu ahaa mid Qaraar waxaan Diiday inaan Wax idinka siiyo oo marka aad Afka Gelisaan Wejigiinu Badalmo oo aad Sheegtaan ama aad Dareensiisaan inuu Canabku Qaraar yahay, oo uu markaa Niyad Jab ku Dhaco, sidaas darteed ayaan u wada Cunay si aan Farxad ugu Muujiyo oo uusan Niyada uga Jebin Ninkaa Miskiinka ah.

=================

Wabillaahi Towfiiq.

(ALOOW RASUULKA SHAFEECADIISA NA SII).

W.Q:- Macoow Ustaad.


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply