fb

Qiso Cajiib Ah Ku cibro Qaadasho Mudan Wixii Dhex Maray Odaygii Ilmeynayay Iyo Ninkii U Yimid..!!

Published: August 30, 2014, 12:50 pm

Nin odey ah oo meel ku Oynaaya ayaa u yimid Nin markaas buu Weydiiyey oo ku yiri:- Maxaad la Oyneysaa Adeer? Odeygii aya ku jawaabey:- Waxaan lahaa Wiil oo aan aad u jeclaa, waxaan jeclaa inuu noqdo Aqoonyahan, sidaa darteed waxaan Baray Aqoon oo waan ku Dadaalay, ka dib waxaan ka Dhigay Aqoonyahan weyn.

Nasiib Daro wuu Xanuunsaday, markii Isbitaalkii la Dhigay ayaa Dhaqtarkii ii sheegey in Wiikeygu ku jiro Saacadahii ugu Dambeesey ee Noloshiisa.. aad baan uga Murgay,

ka dib Wiilkeygii ayaa igu yiri:- Aabe ii keen Shahaadooyinkeygii oo dhan. markaas baan u keenay Shahaadooyinkiisii, intuu ii soo Taagay ayuu igu yiri:- Aabbe waa kuwan Shahaadooyinkeygii si fiican ayaad wax ii soo Bartay oo waad iigu soo Dadaashay, balse Dadaalkaagu wuxuu ko Koobnaa oo keliya sidii aan Aduunka Heer ku gaari lahaa, waadna i Gaarsiisay,

laakiin Nasiibdaro ima aadan Barin Hal Erey oo Qu’raan ah, Sideen u hor Istaagaa Rabbigeyga ? Su’aashaas ayaa ilaa Maanta iga Oohineyso, Anigoo Arkaaya ayuu Wiilkeygii ku Geeriyooday Horteyda.

=======================

(ILAAHOOW XAQA NA FAHAMSII).
WW.Q:- Macoow Ustaad.


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply