Qiso Cajiib ah Cibro Qaadashana Mudan, Iimaamkii La Joogay Ardaydiisa Iyo Haweeneydii U imaatay..!!

0

Imaam Shaafici, goor ay Subax tahay, isaga oo la jooga Ardaydiisaa, ayaa waxaa u timid Haweeney waxayna ku tiri:- Imaam, Habeenkiina zino, Subixdiina Khudbo, (yacni Habeenkiina waad ila Seexaneysaa oo waad iga Zinaysaneysaa, Malintiina Ardaydaada iyo Dadkaad u Khudbeyneysaa).

Haddaba, Ardaydii dhamaan waxey wada Segeen Sheekha iyaga oo ka Sugaaya inuu ka jawaabo oo uu Diido Eedaa iyo Been Abuurka Dusha laga saaray.

kolkaas ayuu Sheekha Naagtii ku yiri:- waa Imisa Xisaabtaada?.

Ardaydii qayb ka mid ah ayaa Xanaaqday, oo Buuq Biloowday, Qeybna wey istagtay oo Damacday inay ka Tagaan Madarasada Sheekh Imaam Shaafici.

Sheekhi baa yiri:- Iga so qaada Timirta oo kale, Timirtana Cuna,Laftana iska Tuura.

ma aysan Fahmin Dadkii iyo Ardaydii Buuqii oo socda waxaa yimid Meesha Nin Ordaaya oo leh:- Naayaahee Gurigaagii wuu Gubtay Caruurtaadiina wey ku jirtaa.

Haddaba, Dadkii ayaa ku yaacay Imaam Shaaficina uu ka mid yahay.

Sheekhi baa galay Guriga oo Caruurtii ka soo saaray.

Islaantii iyadoo ay ka Muuqato Yax-yax, kana Xun Falka Foosha Xun ee ay sameysay iyadoo Hoos Eegaysa ayey ku tiri Sheekha:- Sheekhoow iga Raali noqo Yahuud baa ii kaa soo Dirtay, oo i tiri saas Dheh si Sharafta, Sumcada iyo Suuradaada ay u Xumaato Ardayda Hortooda.

Ardaydii ayaa Sheekha weydiisay oo ku yiraahdeen:- Maxaad u Diidi weysay marka ay ku Nabsatay Naagtu. wuxuu ku yiri:- Haddii aan Diidi lahaa waxaad u kala bixi lahaydeen Laba Qeybood:- Qayb i Rumaysata oo qaadata Hadalkeyga iyo Qeyb u maleyso inaan Been sheegayo oo aan Rumaysan waxaan Sheegay, marka waxaan Jeclaystay inaan u Bandhigo Arinteyda Allaah, isaga ayaa Aadanaha Arkee.

Wabillaahi Towfiiq.
(ILAAHOOW DAALUMIINTA NAGA QABO).
W.Q:- Macoow Ustaad.

Leave a Reply