Qiso Aad Iyo Aad Cajiib U Ah Iyo Wiilkii Yaraa Ee Ardayga Ahaa Wixii Dhex Maray Asi Iyo Macalinkiisa.

1

Waxaa jiray Wiil yar oo Arday ah, Maalin isagoo iskoolka jooga, kuna jira Xisooyinka uu Malinka Lahaa Ayaa Macalinka Xisadaas ku jiray wuxuu ka Sheekenaayay Faa’idada ay Leedahay Salaada Subax iyo Ahmiyada Gaar ah iney leedahay, Wiilkii yar aad ayuu u Saameeyay Hadalkii Macalimka, horay muusan u Tukan jirin Salaada Subax,

Markuu Xaafadii ku laabtay ayuu wuxuu Bilaabay inuu Fikiro siduu ugu soo kici lahaa Salaada Subax ee Beri, Xal kale muusan helin oo ana ka aheyn inuu soo jeeso Habeenkii oo dhan ilaa uu ka maqlo Aadaanka Saladda Subax, Xaqiiqdiina wuu Sameeyay Fikirkiisa, markuu Maqlay Aadankii ayuu si Degdeg Ah isku soo Diyaariyay, laakin Mushkilo ayaa u soo baxday taaso ah sidee ayuu ku Aadayaa Masjidka.

Masjidku wuu ka Fog yahay, Aabihisuna Ma aha mid Salaada Subax u soo kaca oo Tukta, mana Awoodo Inuu kaligiis baxo, wuxuu Fariistay Albaabka hortisai isagoo Ooyaya, laakin si Kedis ah ayuu wuxuu Maqlay Shanqar Kabo Ruux WadDada Maraaya, si dhaqsi ah ayuu Albaabka u soo furay, mise waa Oday Waayeel Ah oo Masjidka u socda, wuxuu Eegay Odaygii wuuna gartay Odayga, waa Awoowihii Saaxibkisa Axmad ee jaarkooda ahaa, wuxuu Bilaabay wiilka inuu Odaygu Dabakaco si Tartiib isagoo doonaaya inuusan Fahmin si aan waalidkiisu u Ogaanin.

Wuxuu Xaalku sidaas ahaadaba muddo ka dib Odaygi Waayeelka ahaa wuu Geeriyooday Canugii ayaa Ogaaday Geeridaasi, Murugo weyn Ayayna ku noqotay Wiilka si daran ayuuna u Ooyay, ilaa ay la yaabeen Waalidkiisu, ka dib Aabihiisa ayaa ku yiri:- Maxaad sidan oo dhan ugu Ooyeysaa Odaygaan?, ma uusan ahayn Canug yar oo kugu Da’ ah, oo aad wada Ciyaari jirteen, mana ahan Ehel kuu Dhow ?,

Wiilkii ayaa Aabihiisa ugu jawaabay:- Aaboow Odaygaas wuxuu ii qabtay ama Booska ii haayey, Adiga oo i Dhalay oo Aabaheey ah iima aadan Qaban, Xaqna waan u leeyahay inaan u Ooyo ama aan ka Tiiraanyoodo Geeridiisa.
Intaas ka dib Aabihii aad ayuu u yaabay, una Qaracmay oo wuxuu Aamini waayay Hadalkan uu kula hadlay Wiilkiisa, misana Wiilkii oo hadalkiisa sii wato ayaa wuxuu sii raaciyey:- uma Ooynaayo inaan la Ciyaari jiray, ama inuu Ehel ii yahay, ee waxaan ugu Oynayaa Salaada Awgeed.

(Weliba Wiilkii isagoo ay illintiisu ay si Xad dhaaf ah u Daadaneyso) ayuu misana Aabihiisa ku yiri:- Aboow maxaad u Tukan weysay Salaadda Subax? oo maxaad u noqon weyday sidii Ninkaas oo kale iyo Niman badan oo aan Masjidka ku arko Salaadda Subax?. Haddaba, Aabihii isagoo yaaban ayuu wuxuu Wiilkiisa ku yiri:- Xaggee ku soo Aragtay Nimanka ?,..

Wiilkii ayaa yiri:- Masjidka. (intaas ka dibna Qisadii ayuu uga Shekeeyay Aabihiis). aad bayna u Saameysay Aabiihii Qisadaasi uu uga Sheekeeyey Wiilkiisa, wixii Maalinkaa ka dambeeyeyna, waxey Masjid isku raaci jireen Labadooda (Wiilka iyo Aabihiis) oo ay Salaadda Subax ku soo wada Tukan jireen.

Wabillaahi Towfiiq.
(ILAAHOOW NOO NAXRIISO ADDUUN & AAKHIRO).
W.Q:- Macoow Ustaad.

1 COMMENT

Leave a Reply