fb

Qeybtii Toddobo Iyo Tobnaad “17” Waxaan Ahaa Gabar Islii Shaax Ku Kariso Lakin Nin Baa Qisadaan Xun Qalbigeyga Ku Reebay “Qiso Xiiso Badan”…

Published: August 23, 2014, 10:52 am

Sheekadaan waa dhacdo xanuun badan oo ku dhacday gabadh lasoo xiriirtay bahda kobciyemedia.com hadii aay ku dhaaftay qeybihii hore halka hoose riix ee ka akhriso.

HALKAAN RIIX SI AAD U HESHO QEYBIHII HORE OO IDIL EE SHEEKADAAN XIISAHA BADAN

Billoowga Qeybta Toddobo Iyo Tobnaad.

Ka hor intaanan sheekada bilaabin aniga Kalafoge ahaan waxaan inta la socoto qisadaan ka raalli gelinayaa in aan isbuucaan lasoo daahay oo maalintii leyga sugayay labo beri ku darsaday hadaba la soco qeybtii 17aad..

Markii aan muqtaar agtiisa gaaray ayaan hadal meel dheer ah ku iri aboowe waan ka xumahay dhibka darteey kuusoo gaaray, intaa markaan dhahay hadal waan ku dari waayay oohin ayaan iska celin kari waayay, muqtaar wuxuu ahaa shaqsi uu dhaawaca ka gaaray madaxa weliba six un awood uu ku hadlo ma uusan qabin, keliya gacmaha ayuu ii nuunuuxinayay macnaha uu ka wadana waan fahmi kari waayay.

Anagoo aan awood u laheyn inaan isla hadalno ayaa albaabka waxaa kasoo galay kalkaaliya aniga I baadi goobayay oo qolkii aan bukaanka ku ahaa iga soo waayay.

Markuu kalkaaliyaha sidaan usoo galayba waxaa soo dhacay teleefankii muqtaar waxaana soo wacayay wiil aay isla shaqeeyaan, oo ganacsi aay shirko ku yihiin.

Muqtaar wuxuu bilaabay inuu is nuunuuxiyo balse wuu awoodi kari waayay kalkaaliyihii ayaa caawiyay telka inta soo qaaday qofkii soo wacayay ka qabtay muqtaarna dhagta u saaray muqtaar wuu hadli kari waayay lakin hadalka sxbkiis wuu maqlayay wuxuuna ku lahaa waxaan gurigaaaga u imid inaan idiin soo booqdo adiga iyo dumaashidey mareykanka ka timid lakin guriga markaan imid waxaan la kulmay hooyadiii oo tacbaan ah iyo caruurtii oo aad u daryeel la’aan ah ee sidey wax u jiraan, muqtaar wax jawaab ah ma bixin karo balse hadalka ayuu maqlaa, ilin baa kasoo darertay oo labada dhinac u kala daadaneyso.

Kalkaaliyihii wuxuu dareemay in dhib weyn haaysto bukaankaan sariirta jiifo iyo gabadhaan kale ee bukaanka ah oo shamiitada dul jiifto garguurashana halkaan kusoo gaartay.

Telkii ayaa muqtaar kasoo qaaday si uu ula hadlo qofka hawada ku jiro lakin nasiib xumo telkii ayaaba dhanka kale laga jartay markii uu waayay cid la hadasho, kalkaaliyihii wuxuu damcay inuu ku celiyo qofka soo wactamay uuna weeydiiyo waxa uu wiilka bukaanka ahi u sheegay eek a ilmeysiiyay, balse nasiib xumo telka muqtaar securite ayaa ku xirnaa oo ma furi Karin kalkaaliyaha wuxuu isku dayay inuu muqtaar gacmihiisa soo qabto ee uu farta ii saa saar dhaho numberada ugu xiran telka sidii ayuu yeelay wuuna u furmay telkii.

Durbadiiba wuxuu wicitaan ku celiyay sxbkiis la shaqeynayay kalkaaliyihii ayaa la hadlay muqtaar sxbkiis.

Kalkaaliye: Halluu

Muqtaar sxbkii: Haa maxaa kugu dhacay oo aad iila hadli weeysay.

Kalkaaliye: Walaal qofka kula hadlayo wiilka teleefanka iska leh maahan waa kalkaaliye ka shaqeyo isbitaal wiilkana aad buu u xanuunsan yahay ma hadli karo oo wuxuu saaran yahay saalada qaliinka 24 saacadood nagu soo aadan baa madaxa laga qali rabaa.

Muqtaar sxbkiis oo aad u naxay ayaa yiri yaaaaaaaaaaaaah waxaan maleynayaa inaad number qaldan soo wacday muqtaar sxbkiis wuxuu dib u eegay teleefanka wicitaanka ku jiro numberka uu yahay markuu arkay kii sxbkiis inuu yahay ayuu yiri isbitaalka waa isbitaalkee iisheeg aan hada imaadee.

Kalkaaliyihii ayaa siiyay isbitaalka magaciisa iyo halka uu ku yaallo, muqtaar sxbkiis ayaa durbadiiba wacay gabadh la dhalatay markiiba wey u timid wuxuu ku yiri ilmahaan lasoo joog maamadaan ayaan isbitaal geynaa sxbkey oo tacbaan ahna u tagayaa.

Gabadhii ayuu ugu soo tagay ilmihii maamadii ayuu soo waday isbitaalka ayuu keenay inta qolka baaritaanka aay ku jirtay ayuu muqtaar la kulmay dhaawiciisa ayuu aad ugu naxay wuxuu indhaha ku dhuftay muqtaar qolkiisa gabadh iyadana dhex hurudo, muqtaar sxbkii kalkaaliyihii ayuu wacay wax walbaa loo sheegay iyo ninkaan in naagtiisa dhaawacday iyadana xiran tahay.

Durbadiiba saldhiga ayuu tagay wuxuu soo damiintay ama soo daayay muqtaar xaaskiisa wuxuuna ku yiri aniga isbitaalkaan aadayaa ee adi orodoo ilmaha usii tag.

Muqtaar xaaskiisii waxey soo aaday gurigeedii kadib markii aay xabsiga kasoo baxday lakin markey guriga tagtay ayey hadana indhaha ku dhufatay gabar kale oo ilmaheedii dheeldheelsiineyso masyer kii hore ka weyn waaba kan hadana…………………………………..

La Soco Qeybaha Danbe Ee Sheekada Oo Aad U Xiiso Badan

W/Q Ibrahim Ali Abdi “Kalafoge”..

Sheekada Waxey Xuquuqdeeda U Dhowrsan Tahay Kobciye.com


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply