fb

Qeybtii Sagaal Iyo Tobnaad ’19’ ‘Adeer Qalanjo Heli MaySide Ka QuuSo’ Qiso Cajiib Ah & Qalinkii WaaSuge..

Published: August 31, 2014, 12:01 am

Sheekadaan xiisaha badan ee aad isbuuciiba maalinta axada ah aad ka daalacataan shabakada kobciyemedia.com hadii aay ku dhaaftay qeybteedii hore halkaan ka akhriso.

HALKAAN RIIX HADII AAY KU DHAAFEEN QEYBO HORE OO SHEEKADAAN AH.

Billoowga Qeybtii 19aad

Akhtistaha kobciyemedia.com waxa aay qabyo qoraal inoogu aheed xaalad adag iyo taleefoonadii oo wada dansan.

La SoCo Qeybtii 19aad Ee Sheekada: Adeer cilmi waxa uu qaatay go,aan deg deg ah kaas oo ahaa inuu safro una tago faarax si halkaas loogu soo dhameeyo xiisadaan kacsan, isla markaan looga qariyo Marwadii Weynayd ee reerka, waxuuna u dhaqaaqay gobolkii uu jirey faarax oo tagay.

Ugu horeyn waxuu mar kale goobaha caafimaad geeyey faarax si loogu soo sameeyo baaritaan guud, waxaana soo cadaatay inuu faarax xanuun ka baxsan dhibka uu adeer cilmi u gaystay haysan waxaana dib loogu soo laabtey gurigii oo la wada fariistay.

Faarax kuma faraxsana inuu la hadal wadaago adeerkii hadana mar waliba waalidku kaa mudan oo waad ku qasaban tahay waxii uu doonayo inaad u dhaga nuglaato, waxaana albaabada loo furey wada hadal dhaxdooda mara. Adeer cilmi waxa uu cadeystay danbigiisa waxuuna cimaamad madaxa ka saarey wiilkii uu adeerka u ahaa faarax asagoo dhahaayo ceeboobey ee adiguna ila mid ha noqone ii samir iska key caffi.

Faarax waxuu sameeyo ayuu garan waayey waxuuna qaatay taladii adeer cilmi usoo jeediyey oo qaatay, waayo ma jiro xal kale ee haatan muuqda, balse waxuu ku adkeystay in hadii arintaani wax iga waydiiyo Maama Heblo’ oo isoo korisey ahna xaaskii adeer cilmi uu wax waliba u sheegi doono waayo buu yiri igama mudna inaan hooyodey labaad been u sheego, hadaba sidaas u ogoow adeer.

Hadalkaasi waxuu oodin ku noqdey adeer cilmi waayo waa far saar mar waliba fakan karto waliba aad la socoto in arimaha nuucaan ahi deg deg dibada ugu soo baxaan, hadase nafis aan la ogeyn halka uu gaari karo ayaa soo galay adeer cilmi, sidaas ayaana lagu kale faataxeystay la isku af gartay.

Adeer cilmi waxuu faarax ka codsaday in si wada jir ah loo Waco isla markaana loola xariiro nadar si aay qudheedu u hesho nafis maadaama ay tahay qofka ugu saamaynta badan isla markaan salka u ah arinkaan, balse faarax wuu ka biyo diidey oo ku yiri, adeer Idishey haygu diganin, ma awoodo inaan wada hadalno aniga iyo eedadey labaad nadar, waxaan rajaynayaa inaad wax walba adiga ka dhaadhiso, waxuuna si dareen leh ku yidhi, adeer kalmadeydu mar waliba taada ka qaymo badan.

Nadar oo aan lala soo xariirin ku dhawaad isbuuc ayaa soo baadi goobtey teleefoonadii adeer cilmi iyo faarax, waxaase la yaab aheed, qofkii ugu horeeyey ee soo wacdo waxuu ahaa faarax marka aay waysay ka dib ayeey soo wacdey duqeedii cilmi, wuu ka jawaabey oo wax waliba u sharaxay, si la mid ah waxa aay ka codsatay in ay telka ugu dhiibto is aay qeybteeda uga raali galiso falka aay ku dhaqaaqdey, laakin ma dhicin oo adeer cilmi waxuu nadar u sheegey inuu faarax ka biyo diidey.

Waxaa la galay nabad aan raad badan lahayn lana ogeyn halka aay gaari karto, adeer dadku waxa uu ka siman yahay, su,aasha ah maxaa xigi doona tallow xageese wax ka bilaban doonan markaan.?

Sadax maalin markii laga joogo heshiiskii taariikhiga ahaa ee dhax maray adeer cilmi iyo faarax, waxaa soo baxday arin ugub ah oo aan la wada fileyn taas oo aheed inuu faarax ka ruqso qaato shaqadii uu adeerkiis u haayey adeerkiisa, asagoo ku yidhi adeer waan kaaga mahad celinayaa doorka iyo kaalinta muga way ee nolosheyda ku leedahay, waa hubaal ma ahan mid la iloobi doono mar waliba waan kugu soo xasuusan doonaa, adigana waxaan kuu rajeynaa caafimaad iyo dhibka inuu Eebe kaa dul qaado, waxaan filayaa markaan iney mudan tahay shaqada inaan ka tago.

Adeer cilmi waxaa ku soo fakaday waadi uusan marna fileyn waxaana sii laba jibaarmey culeysyadii haystay, oo waxuu haatan marayaa ‘Xageen Ka Baxaa, Meel Alle’ Wareegataa Waa Sil Silad. !! Waxaan Wada Sugnaaba Waa Su,aashii joogtada Aheyd Ee Maxaa Xigi Doono Tallow. ??

La SoCo Isbuuca Xiga Iyo Qayb Ka Mid Ah Dhadhankii Sheekada, Intii Ka HoreySa Nabadeey.

Sheekadaan Xuquuqdeeda Waxey U Dhowrsantahay Kobciye.com iyo Abwaan Waasuge

Qalinka: Ismail Abdi Aden “WaaSuge”

Dhaxalka: Lamaane Soomaaliyeed’

Shimali02@hotmail.Com


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply