fb

Qeybtii Lixdan Iyo Shanaad “65” Jaceylkii Aan Macquul Galka Aheyn Iyo Mucjisadii Dahsooneyd..!! “Sheeko Xiiso Badan”.

Published: August 28, 2014, 9:25 pm

Qisadaan sidaad magaceedaba ka dhadhansan kartaan waa qiso jaceylka uu galayo meel aan macquul aheyn, inta aay socoto sheekadaan xiisaha badan waxaad arki doontaan mucjisooyinka jaceylka ee sida dahsoon kusoo if baxo..

Qisadaan Cajiibka ah qeybaheedii hore oo idil waxaan ku aruurinay linkiga hoose marka halkaa riix oo ka kahriso qeybihii hore hadii aay ku dhaafeen.

Hadaba Akhristoow sheekadaan xiisaha badan hadii aay ku dhaaftay qeybaheedii hore halkaan ka akhriso.

Billoowga Qeybtii Lixdan Iyo shanaad.

Yoonis aabihii wuxuu bilaabay cunista cashadii aay u keentay maama deeqo taasoo aheyd cashadii ugu horeysay ee aay gacantiisa ugu keentay, maama deeqo waxey bilowday in yoonis aabihii soo hor fadhiisato oo aya u sheekeyso.

Odaygii shaki baa galay maama deeqo oo si farxad leh ugu sheekeyneyso asagoo casheynayana aay hor fadhiso, nin weyni wadkiisa waa yaqaanaahee wuxuu dareemay in cashada aay ywax uun ku jiraan, markaa buu ku yiri kaalayoo ila casheey, misana waa diiday oo waxey qiil ka dhigatay hadal shakigii urumeeyay yoonis aabihii hadalkaasoo ah xaaji ma cuni karo intii aan jikada ku jiray ayaan ku dhex casheeyay.

Hadalkaasi ayuu ku yaqiinsaday cuntadaan lagu kali yeelay in aay wax uun ku jiraan, yoonis aabihii wuxuu ku wareeray galaaska caanaha ah iyo cuntaduu dhowr cantuug ka cunay midka aay suntan ku qasan tahay, wuxuu aad ugu walwalay cuntada uu cunay iney ku jirtay sunta wuxuu ahaa oday wax garad ah wuxuu dagay qorshe uu ku xaqiijinayo in suntan aay ku jirto saxanka cuntada ah ee qeyb kamid ahi uu cunay iyo galaaska caanaha ah ee uusan weli cabin.

Maama deeqo ayuu ku yiri xaajiyo wiilkeyga iigu wac waxaan doonayaa inaan la hadlo, maama deeqo oo aan dooneyn in aay wiilka yoonis ah u wacdo ayaa tiri xaaji cashada dhameyso wiilkaaga beri ayaad is arkeeysaane, wuu ku adkeystay in wiilkisa loo Waco, hadii kale uusan cashada cuneyn.

Maama deeqo oo afka yara tuureyso xanaaqsan ayaa soo baxday si aay ugu soo yeerto yoonis jaranjarada hoose ayey intey istaagtay sida qof waalan ku qeylisay yoonis yoonis, dadkii guriga daganaa ayaa isku soo baxay oo ka yaabay maama deeqo sida aay ugu qeylineyso magaca yoonis.

Yoonis oo awalba aan ku faraxsaneyn guurka galabta dhacay ayaa asoo xanaaqsan inta usoo dagay yiri heedhe ma waxaa dooneysaa magic maamuuseedka hooyo inaan kugu yeero waa adiga si aan anshax laheyn inta qolkeyga soo hoos istaagay magaceyga ku qeylinayeee, heedhe uma qalantid magacaas xattaa haduu aabahey ku jeer ku mehersado lagama yaabo inaad xushmad iga hesho ee maxaad u qeylineysaa oo halkaan kusoo istaajiyay.

Axmed oo ahaa ninka qabo yaasmiin oo hadalka maama deeqo kusoo baxay ayaa yoonis u jawaabay oo ku yiri walal sidaad u hadleysid ma wanaagsano dad sidaan isku ahna hal guri kuma wada noolaan karaan ee cadaawadaan idinka dhaxeyso maxey tahay.

Inta leys eeg eegay ayaa ubax tiri dumaashi dadkaan cadaawad kama dhaxeyso ee wakhtigaa isku dirayo ee suaal aan laga jawaabi Karin haweydiin ee iska daa.

Yoonis markuu maqlay erayada kasoo yeedhay ubax ayuu is yiri malaha gabadhaan wey ku jeceshahay ee amaa ayadana hoos ula hadashaa oo adoo yaasmiin iyo maama deeqo ku xumeynayo aad u guursataa, yoonis ayaa yiri haye ubax abayo waa sided sheegtay wax cadaawad ah nagama dhaxeyso kadibna u jeestay maama deeqo oo yiri haye maxaa ii wacday.

Maama deeqo ayaa ku tiri aniga kuuma wacanin ee aabahaa baa yiri wiilkeyga iigu wac, maama deeqo iyo yoonis wey isa soo raaceen dadkii kalena wey iska xaroodeen.

Maama deeqo iyo yoonis markii aay albaabka kasoo galeen ayuu odaygii yoonis ku yiri wiilkeygiyow ii kaalay ila cashee caawa inaad ila casheesaan rabaa yoonis ayaa isku dayay inuu diido lakin odayga waxaa u dagsanaa qorshe ah in yoonis markuu cashada usoo fadhiisto uu arko in maama deeqo aay udiidi doonto raashiinka ama galaaska caanaha ah midka aay udiidana uu iska dhaafo waayo key u diido ayey suntan ku jirtaa.

Yoonis cashadii ayuu soo fadhiistay kadibna gacantuu l agalay maama deeqo ma hadlin kadibna odaygii wuxuu u dhiibay galaaskii caanaha ahaa markaasey maama deeqo tiri maya kaas hasiin adaan kuu keenay kiisa anaa hada u keenaa, odayga ayaa intuu qoslay istaagay wuxuuna yiri……..

La Soco Isbuuca Xigo Iyo Qeybaha Danbe Ee Sheekada..

Xuquuqda Sheekada Weey Dhowrsantahay Kobciye.com Ayey Gaar U Tahay.

W/Q Ibrahim Ali Abdi “Kalafoge”.


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply