fb

Qeybtii Koowaad Sagaashan Iyo Sagaal Camal Oo Lagu Galo Jannada Mida Ugu Wanaagsan..

Published: August 27, 2014, 11:53 pm

Waa run in qof kastaa uu jecel yahay inuu sameeyo camal fiican oo uu ku galo Jannada hadaba maadaama qof waliba is waydiin karo maxay yihiin waxyaabaha jannada lagu galo? Waxaan halkan ku soo qori doonaa   99 waxyaabood oo lagu galo Jannada, iyadoo aan la soo koobi Karin waxyaabaha Jannada lagu galo caawa 99 ayaan halkan idiinku soo gudbinayaa.

1)      Qofka Islaamaa wuxuu gelayaa Jannada.

2)      Qofka ku dhawaaqaa Laalilaah illaaah Jannada ayuu gelayaa.

3)      Cida ugu horaysa ee Jannada gelaysaa waa muslimiinta.

4)      Qofka ku dhinta kelmada Laa ilaah ilaa Llaah janada ayuu gelayaa.

5)      Qofka dadka kula dhaqma sida uu jecelyahay in loola dhaqmo ee wacan jannada ayuu  gelayaa.

6)      Qofka dhinta isagoon Illaahay u shirki yeelin Jannada ayuu gelayaa.

7)      Qofka isagoo sujuudsan dhintaa Jannada ayuu gelayaa .

8)      Qofka sooman ee dhinta Jannada ayuu gelayaa.

9)      Qofka isagoo Xajjaya dhintaa Janada ayuu gelayaa,

10)  Qofka Illaahay Rabinimo uga raali noqda Muhamedna Nebinimo diintana islaamnimo uga raali noqda.

11)  Qofka Alle ka cabsadaa jannada ayuu galaa

12)  Qofka adeeca Allle iyo Rasuulkeena scw Janaduu gala,

13)  Qofka Magacyada Illaahay xafidaa Jannaduu gala.

14)  Qofka Illaahay dartii u dhididaa Janaduu gala

15)  Qofka u boodhoobaan adimadiisu Ilaahay dartii jannaduu gala

16)  Qofka u ooya Ilaahay dartii jannaduu gala.

17)  Qofka isagoo camal wanaagsan ka shaqaynayaa dhintaa Jannada ayuu gala.

18)  Qofka Illaahay xusaa janaduu gala

19)  Qofka seexda isaggoo ilaahay xusay oo ducaystay jannaduu gala,

20)  Eedaanka oo aad ka daba tidhaaho eedaamaha Jannadaa lagu galaa.

21)  Qofka tukada maalintii 12 rakcadood oo sune ah jannaduu gelayaa.

22)  Qofka tukada labada qabow waa casar iyo cishee jannaduu gelayaa.

23)  Qofka aamina in salaadaha Illaahay ku waajibiyey xaqiijiyana tukashadooda janaduu galaa.

24)  Qofka tukada intaan qoraxdu soo bixin iyo intaanay dhicin Illaahayna aaminsan janaduu galaa.

25)  Qofka waysaysta ee tukadaa janaduu galaa.

La Soco Qeybta Labaad Maalinta Beri Ah Haduu ALLE Idmo


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply