Maxaad Ka Taqaanaa Noocyadii Ugu Horeeyay Ee Teleefanada Loo Yaqaano Smart Phone-ka Iyo Waxey Qabteen.

1

Caalamka ayaa waxa uu u dabaal dagayaa sannad guuradii 20aad ee kasoo wareegtay markii la soo saaray taleefankii ugu horeeyay noocyada casriga ah(Smartphones), mobile-kan oo magaciisa la odhan jiray “IP Simon” ayaa waxa uu noqday taleefankii gacanta lagu qaato oo la shaqeeya taabashada muraayada (Touch Screen), waxaana uu mar labaad kusoo noqon doonaa indhaha caalamka isaga oo lagu soo bandhigi doono mutxafka wayn ee London.

simon-personal-communicator-de-ibm

Mobile-kan oo ay samaysay 1994-kii shirkad maraykan ah oo magaceeda la yidhaahdo Bill South ayaa marka la barbar dhigo taleefannada maanta aynu adeegsano uu farqi aad u ballaadhani u dhaxeeyaa, isaga oo waqtigiisii u sareeyay suuqa waayo waxa uu lahaa muraayad LCD ah iyo qalin lagu taabto muraayada, waxaanuu ahaa markii ugu horeysay ee lasoo saaro qiimihiisu 899 dollar, isla markiibana waxa uu hoos u dhacay sannad kaliyaata $300 isaga oo noqday $599, waxaana laga iibiyay itro ku dhaw 50,000 oo Mobile, iyada oo inta badan ay iibsadeen dadka ganacsatada ahi.

iT7S9pgSAZoc

Hadaba taleefankan oo midhkii ugu horeeyay ee originalka ahaa uu yaalo dukaanka wayn ee Ebay ayaa waxa uu miisaankiisu yahay nus kiiloo (500g), waa laga wici karaa dadka waanay kusoo wici karaan balse dhibka ugu wayni wuxuu ka yimid baytarigiisa oo kuhaynaya 1 saac oo kaliyaata, taasina waa waxyaabaha ku kallifay inay shirkadani joojiso soosaarkiisa.

1 COMMENT

Leave a Reply