fb

Maxaad Ka Ogtahay Sida Aay Asxaabta Ugu Weyneed Cabsida ALLAAH, Bal Wax Badan Ka Ogoow.

Published: August 23, 2014, 10:01 am

1) RABIIC BINU QAYSAM RC. waxaa la yiri Habeenkii ayuu Salaad u kici jiray oo uu Ooyi jiray, kolkaas ayey Xaaskiisa ku tiri:- War Naftaadu Xaq bey kugu leedahay oo ha Cadaabine iska Seexo, markaasuu yiri:- Nin Korkiisa Jannadii lagu Diyaarinaayo, Hoostiisana Cadaabkii lagu Hurinaayo sidee buu Dhexdooda u Gam’aa (u Hurdaa).

2) ABUU HURAYRA RC. Sakaraadkii Geerida ayuu Ooyay, kolkaas ayaa laagu yiri:- Abaa Hureyroow maxaad la Ooyeysaa adiga oo Rasuulka Saaxiibkiisa ah, wuxuu ku jawaabay:- waxaan la Ooyayaa Sahayda aan wato Yaraanteeda iyo Safarka i Sugaayo ayaan is lahayn.

3) CAAMIR BINU CABDI QAYS RC. Sakaraadkii markii Naftu Qabatay ayuu ilmeeyay, kolkaas ayaa lagu yri:- maxaa la Ooyeysaa?, wuxuu yiri:- Wallaahi Baqdin aan Mawdka ka Baqaayo la Ooyi maayo, Aduunayadaan ka Tagaayana u Ooyi maayo, ee waxaan la Ooyadaa Labo Camal oo iga Go’aayo Dartooda, kuwaasoo kala ah:-

1- Jiilaalka Dhaxantu markay Dhacayso Salaatul Laylka aan Tukanaayey.

2- iyo Soonka Sunnaha ee Jiilaalka aan Soomayey.

Labadaas Dartooda ayaan la Ooyayaa oo aan ka Samri weysanahay.

============================

(ALLOOW TOWBADA & TOWXIIDKA NA WAAFAJI).

W.Q:- Macoow Ustaad.


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply