Maxaa Aas-aas U Ah Inaad Gaarto Horumarka Aad Ku Hamineysid Mustaqbalkaaga Dhimin..

0

Marka lagu hamiyo in hormar iyo darajo sare la gaaro shayga kaliya ee maskaxdena kuso dhaca waa waxbarasho maxay yeelay ruux kasta wuxu ogyahay in waxbarasho la’anted an hormar la sameyn karin in, wax la bartona ayba nolosha ku dhisan tahay qofka bini aadamka ahi wuxu hormara markuu aqoon buuxdo u yeesho wax kasto uu hormar oo horseedi kara asaga iyo bulshada uu ku dhex nool yahay.

Saan wada ogsoonahay dadka wax bartay ayaa maanta dunidan aan ku noolnahay wax ka badalay oo hormar la dareemi karo iyo mid la taaban karaba gaarsiyey. Hadaba sidee waxbarasho iyo hormar ku gaari karnaa ?

Waxan ku gaari karnaa hadan waqtigena sida wanagsan uga faaidaysano oo waxkastena aynu ku dabaqno heerka ay aqoonteena gaarsiisan tahay.

Hormar in la gaaraa wa wax dadaal iyo waqti badan in lagu bixiyo u baahan waxa laga yaaba mararka qaar inaad maqasho hebel hormar wanagsan buu sameeyey, marka wa inaad is waydiisa asbaabta qofkaasi uu ku hormaray si aad adna ugu dayato

maanta dowlada caalamka laba loo qaybshay kuwa hormaray iyo kuwa an inaba wax hormar ah sameyn . Dowlada hormaray wa dareemi kartaa sababtii ka danbaysay inay hormaraan waxa weye waxbarasho iyo waqtigi ka faaidaysten iyo inay jiilkoodi wax bareen oo ay tuseen muhimada waxbarashada u leedahay mustaqbalkooda danbe iyo noloshooda dhan .

gabogabo : waxan maqaalkayga kuso gabagabaynaya xikmadda ah { WAXBARTA AAN BARWAAQO GAARNE }

Leave a Reply