fb

Maskaxda Ama Wadnaha, Keebaa Maamula Qofka, Ogoow Waxyaabo Badan Oo Ku Saabsan Nafsadaada.

Published: August 24, 2014, 11:45 am

Caweysin aniga iyo Sayid Saleebaan oo fadhinna barxadda hudheel ku yaalla badhtamaha Hargeysa hilaaddii xilli ku siman 2009 ayaa waxa halkii aanu fadhinnay meel u dhaw soo fadhiistey nin da’diisu 50 meeyo aan ku qiyaasay. Ninka timuhu way ku baxeen, shandad kuwa leh siddayaasha garabka la sudho iyo hangool gaaban buu sitay.

Wuxuu u muuqday dadka aqoonta meel sare inta ay ka gaadhaan illooba daryeelka naftooda sidaa daraaddeed qof aqoon lehna wuu iila eekaa. Barxadda hudheelka waxa iyana ku caweynaya dad badan oo laba laba iyo koox koox ba isugu jeeda. Cid kastaa gooni ayey sheeko dhawaq aan dheerayn leh ku wada sheekaysanayaa, mar mar ayaad maqlaysaa qosolka qof qof ama koox wada jir u qoslaysa. Aniga iyo Sayid na sidaas oo kale ayaannu isaga sheekaysanaynaa.

Ninkii agtayada soo fadhiistey markuu waxoogay fadhiyey ayuu nala hadlayaa, hadal maahe su’aal buu na weydiinayaa, xitaa su’aasha ka hor in uu na salaamay iyo in kale ma xusuusto. Wuxuu na yidhi “Adeer halkee qofku wax ku xifdiyaa?” annaga oo aan is dhibin ayaannu labadayadii si wadajir ah u nidhi “Maskaxda” dabadeed laguma xifdiyo ayuu na yidhi. Markaas baan intaan kuraastii aan ku fadhinnay isaga kula soo dhawaannay ku nidhi “haddaa Adeer halkee lagu xifdiyaa?” ka sokow in aannu ogaanno sababta uu su’aashaa noo weydiiyey iyo waxa uu ku diiday jawaabtii aan ku nidhi, wax kale oo aannu xiiseynaynay la hadalkiisa oo qof aqoon waliba mid sare aanu ku tuhmin karno ayuu noola muuqdey muuqaalkiisu.

Wuxuu na yidhi Wadnaha ayaa lagu xifdiyaa. Sidee loogu xifdiyaa baannu ku nidhi, dabadeed hadal dheer ayuu noo galay. Wuxuu noogu bilaabay hadalka in isaga oo dhiganaya jaamacad ku taalla dalka imika la yidhaa Ukrain barigii uu ahaan jirey gobol ka tirsan Midowgii Soofiyeeti ee burburey wakhti ku siman 1970-naadkii ay macallimad maalin xiisad u soo gashay su’aashaas weydiisey, ardeydii oo uu isna ka mid ahaana ku jawaabeen isla jawaabtii aanu annaguna isaga siinnay ee Maskaxda, se macalimadii waa khalad ku tidhi sidoo kalena aanay jawaab siinin.

Wuxuu kaloo na yidhi su’aashii gabadhaasi na weydiisey waxaan ku qaatey muddo toboneeyo sanno ah inaan ku ogaado jawaabteedii saxda ahayd, imikana sidaas baan ku ogaadey in Wadnaha bani aadamku wax ku xifdiyaan. Wakhti dheer oo aanu gaadhney xiligii meherada la xidhi lahaa ayaanu ninkaas hadalkiisii dhagaysanaynay habeenkaa. Hadalku wuxuu u badnaa su’aalo uu anaga na weydiinayo sidoo kale na uu cadeyn uga dhigayo doodiisii ahayd in Wadnaha wax lagu xifdiyo.

Waxyaabihii uu habeenkaa lahaa waxa ka mid ahaa bal in aanu sheegno sababta Illaahay quraanka ugu yidhi Miyaan xuska (Digriga) Illaahay dajin Qalbiyada? (Surat Ar-Ra`d, 28)

Aayad(1)

ka dibna wuxuu na su,aalay Qalbigii miyaanuu Wadnaha ahayn? Wadnuhu miyaanuu dhiigga uun soo u kala firdhin jidhka? Waa maxay xuska Ilaahay ee dajinayaa? Waxa kale uu na sheegay in micno ay ka dambayso sababta Luuqada Ingiirisidu marka qof wax xifdiyayo loo yidhaa “Learn by Heart”. jawaab maanu siinayn manaan hadlayn ee isaga ayaanu dhagaysanayney, xitaa habeenkaa sidii aanu u dhuganayn hadalkiisa ee aanu ugu dhaygagsanayn waxaanu marar ku war helaynay dadkii hudheelka fadhiyey oo anaga na soo eegaya, mararna waabay na su,aaleen sheekada aanu dhagaysanayno.

Mar dambe ayuu ninku noo sheegay in Magaciisu Jamaal yahay, oo uu waxbarasho sare oo ahayd deeq la siiyey dalkii Soomaliya uu ku soo qaatey Dalkii Midowgii Soofiyeeti. Waxa uu na tusey qoraalo ku qornaa shandaddiisa iyo hangoolkiisa oo far laatiin xuruufo badan oo kale lagu xardhay ahayd, waxaan ka xasuustaa kelmado Ingiriisi ah oo ku qornaa hangoolkiisa oo ahaa “I am, Who am I”.

Jamaal muddadii intaa ka dambaysay marna Hargeysa iyo meel kale toona kulama kulmin, se habeenkaa hadalkiisu is weydiin aan ilaa imika iga hadhin buu igu dhaliyey. Mar kastana waxaan is weydiiyaa in shaqada Wadnuhu ka balaadhan tahay inta culimadda cilmiga nooluhu (Biology-gu) ka sheegeen ee ah Butaacinta dhiiga oo kaliya.

Dabcan tiirarka xoogan ee shakigaygaasi daliishado waxa ka mida midaa Illaahay quraanka ku sheegay ee ah in xuskiisu Qalbiga (Wadnaha sida Somali ahaan ku micnayno) dajiyo. Mar kale waxaa shakiga igu xoojiya sida dareenada jacaylku ka mid yahay loola xidhiidhiyo wadnaha. Waxa isna mar aan maqlay in uu jirro Xadiis laga soo wariyey Nabi Muxumad (NNKH) oo ku xusayo in qofka bani aadamka ah ay jirto xubin hadii ay hagaagto uu gabigiisuba hagaagayo, xubintaasina tahay qalbiga, inkasta oo aanan anigu arag xadiiskaa aanan cadeyna karin jiritaankiisa.

Wadnuhu in uu qofka u qabto shaqo ka badan ta kala firdhinta Dhiigga oo kaliya iyo in uu yahay xubinta ugu sareysa ee maamusha qofka waa wax aanay wali xaqiijin aqoonta Aadamaha ee la sheego in ay marayso xilliyadan heerkii ugu sareysay. Dhinaca kale xaqiiqooyinka aqooneed ee Illaahay ku xusey Quraanka iyo kuwa Nabigu (NNKH) uu sheegay ayaan qaarkood wali aanay rumaysan culimada Sayniska la yidhaa iyagaa ugu foolaadsan, iyadoo qaar ay dhawaanahan uun ku xaqiiqsadeen tijaabooyin ay sameeyeen ay jiraan.

Haddaba shakiga aan ka qabo in Wadnuhu yahay xubin aan ku koobnayn butaacin dhiig oo kaliya ee uu ugu yaraan maskaxda la maamulo dareenka iyo garashada ama uu leeyahay awooda ugu sareysa ee maamulida qofku waxa uu garabsanayaa Aayadaha badan ee marka ay sifeynayaan dadka xun xun iyo kuwa wanaagsan labadaba inoo sheega Qalbiyadoodu (Wadnahoodu) sida uu yahay.

Marka kale waxa shakiga igu dhaliya sababta Qalbiga (Wadnaha) loola xidhiidhiyo dareenada ay ka mid yihiin Naxariista, Jacaylka, dhiirranaanta, Nacaybka iyo kuwa kale oo badan. Waxaanan gaadhaa inaan marar is weydiiyo in QALBI ga quraanka lagu sheegay inta badan, ee dareenaddana lala xidhiidhiyaa yahay xubinta noolaha u qaabilsan butaacinta iyo wareejinta dhiiga ee WADNE u naqaanno iyo in qalbi yahay wax kale oo meel kale ku yaala?

Shakigaa uu igu abuurey hadalkii habeenkii Jamaal na dhex maray cid hore ulama wadaagin hadda ka hor, marka laga reebo mar aan su’aalay shaqada wadnaha macallin jaamacadda iigu dhigi jirey maaddo la yidhaa “Social Psychology” oo inta badanna dareennada aadamaha aad uga sheekayn jiray, se isagana kama helin jawaab aan ku qanco, sidaa daraaddeed waxaan baadi goob ugu jiraan cid ama xaqiiqo shakigaa iga qancisa.

Dhammaad

Maxamed Ibraahim Maxamuud “Cirro”


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply