Marwada Tilmaamahaan Leh Ma Noqoto Mid Guurka Ku Raagto Cimrigeeda Furoow Ayey Ku Dhameesataa.

3

Dabeecado oo ay haween badan leeyihiin ayaa si weyn ragga uga careysiiya xilli haweenka aysan dhab ahaan ka War hayn ,hadaba wax ka baro Dabeecadahaas.

Midda Carabka Dheer:-

Waa midda carabkeeda ka dhigta hub ay ku weerarto ragga subax iyo galab,hadii arin yar oo ay xaq u laheyd ninka uu ka gaabiyo roob kaga dhigta aflagaado.

Midda Ganuunaca Badan:-

Wax ay ka mahad celineyso ma jirto, nolosheeda dhan dacwad iyo eed ayay ku dhameysataa , wanaag waliba oo uu ninka u qabtana waxa ay ka dhigtaa hal bacaad lagu lisay .

Midda Areebada Ah:-

Ma daryeesho gurigeeda, ninkana kama helo guriga wax uu ku il doogsado,mar waliba dhar wasaq iyo timo waqooyi iyo koonfur ukala jeeda ayay kaaga hor imaaneysa .

Midda gacanta adag:-

Midda bakhiiladda ah ragga ma jecla oo ninka aan siineyn caadifada jaceylka waaa badan keenteeda waaan yar bixinteeda .

Sidoo kale midda leh maseerka ka bad badiska ah iyo sida ragii u dhaqanta ragga kumanaan mitir ayay ka sii fogaadaan ee gabaryaheey taxadar yeelo .

3 COMMENTS

Leave a Reply