fb

Ma Aaminsan Tahay In Mobile-ka Uu Ka Qeyb Qaatay Is Badalka Dhaqanka Ee Ku Yimid Dhalinyarada Maanta.

Published: August 26, 2014, 8:53 pm

Waxa u muuqata in isticmaalka badan ee moobilku gebi ahaan beddelo dhaqanka bani’aadamka waqtigan, gaar ahaan inay qaar caadaystaan jarista xidhiidhada, sheegista beentuna agtooda wax caadi ah ka noqoto, sida lagu sheegay cilmi-baadhis cusub.

Cilmi-baadhistu waxay xaqiijisay in dadku qabatimaan tiknoolajiyadda, kuwaasoo 74% dadka da’doodu u dhexayso 16 ilaa 24 jir noqdeen qaar aan ka maarmin telefoonnadooda gacanta waqti kasta.

Daraasadda oo diiradda saartay saamaynta telefoonnada iyo aaladaha casriga ah ku keenaan bulshada iyo dabeecadaha bani’aadamka, waxa lagu ogaaday in da’yartu aanay u dhaqmin amma u fikirin sidii dadku ahaayeen 10 sanno ka hor.

Waxaana la ogaaday in aanay telefoonnada kala xidhiidhin asxaabtooda amma qoyskooda, balse murugo iyo diiqad dareemaan hadday bilaa moobayl noqdaan daqiiqado kooban.

Sida cilmi-baadhistu tilmaantay baraha internet-ka ee bulshadu ka xidhiidho (sida Facebook iyo Twitter) waa kuwa keena in da’ yartu qabatimaan isticmaalka telefoonnada casriga ah, kuna keenta inay beenta bartaan, dhaqannaduna ka xumaado, iyadoo arrintanna si gaar ah u saamaysay haweenka.

Natiijada ka soo baxday daraasaddan waxay noqotay in isticmaalka moobaylku gebi ahaan beddelay dabeecaddii bani’aadamka, dhaqanno aan wanaagsanaynna ku keenay, marka faa’iidadiisa laga tago.

“Tobankii sanno ee u dambeeyey saamaynta moobaylka iyo baraha bulshadu ku kulanto ee internet-ka waxay noqdeeny in ay ka beddelaan bani’aadamka dhaqannadooda iyo fikiraddoodaba,” ayuu yidhi afhayeen u hadlay hay’adda Havas Media oo daraasaddan sameeyey.


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply