fb

Lax Jeclo Darteed Ayey Lacag Keyd U Sameysay Lacagtii Aay Ku Aruurineysay Khaanadana Waxaa Ka Wada Cunay Cayayaan.

Published: August 26, 2014, 8:56 pm

Islaan u dhalatay dalka Shiinaha oo nolosheeda lacag ay ku urursan jirtay khaanad ay lahayd, taasoo aan aamini jirin bangiyada, ayaa aakhirkii nasiib-darro la kulantay, kadib markii cayayaan cunay dhammaan lacagtii ay urursatay.

Haweenaydan oo lagu magacaabo Cai Hou, waxay isku dayday markii lacagteedu waxogaa inay eegto, taasoo ay tobonaan sanno ururinaysay, balse waxay ugu tagtay iyadoo la cunay gebigeediiba.

Gabadhan oo 70 jir ah waxay urursaday lacag dhan 10,000 (toban kun) oo lacagta Shiinaha ah, una dhiganta (£1,000) giniga Ingiriiska ah, taasoo ay ururinaysay ilaa markii ay garaadsatay, waxana aakhirkii calfaday cayayaan.

“Aad baan u niyad-jabay. Weligay maan aaminin bangi, waxaanan inta badan u malaynayey in aan qarsado inay ka fiican tahay bangiga. Aad baan u khaldamay,” ayey ku calaashay islaanta khasaaraha la kulan tahay.

Qoyska haweenaydan oo aad uga naxay ayaa lacagtii u soo ururiyey, kadibna isugu dhedhejiyey adduun gaadhaya 5,900 Yuan, kadibna uga soo sarrifay bangiyo. “Waxaan u malaynaya in aannu nasiib yeelannay. Haddii aannu wax isku hagaajinnay, cashar fiican bay ii noqonaysaa, waxaanan toos u tegay bangiga oo akawn xisaabeed lacagta aan ku kaydsado aan ka furtay,” ayey tidhi.

 


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply