Kala Baro Darajooyinka Kala Duwan ee ALLAH Inoogu Diyaariyay Jannatul Fardowso..

0

Firdowsa Dhexdeeda waxaa ugu Sarreysa Maqaamka la yiraah (Al Wasiilah) oo ah Maqaamka Rasuulka CSW, Qofkii u Barya Allaah Rasuulka CSW, in Maqaamkaas la Gaarsiiyo, wuxuu aq u yeeshaa in Rasuulku SAWS uu u shafeeco qaado maalinka qiyaamaha.

Waxaa ku Xiga Qolalka Ahlul Cilliyiin, oo ah Daaro Isdulsaaran, oo ka Sameysan Jawaahirta (Dahabka) Qurxan oo Qaaliga ah iyo Dhagaxaanta (Gems) oo ay Hoostooda Webiyaashu Durdurayaan, Maqaamkaana waxaa leh Nabiyaasha, Shuhadada, kuwa Dhibka iyo Cudurada ku Sabra iyo kuwa isku Jecel Allaah Dartiis.

Waxaa kaloo ku yaala Jannada Qolal ka Sameysan Jawaahir (Dahab), sida Quraaradaha (Dhalooyinka) oo la iska Dhex Arko, Jannadaasna waxaa leh:-

1. Qofkii Hadal Wanaagsan ku Hadla.

2. Qofka Masaakiinta Cunnada ku Sadaqeysta.

3. Qofka Saqda Dhaxe, markey Dadku Seexdaan, u Istaaga Cibaabada Allaah jeceyl awgiis.

Waxaa markaas soo Haray Darajooyinka Boqolka ah oo Dadka inta soo Hartay loo kala Qeybiyo, Qof walba iyo wuxuu Shaqeystay intuu Noolaa, waxaana ugu Liita Darajada Dadka leh Hantida iyo Maalka iyo Boqorrada Aduunka ugu Taajirsan.

========================

Wabillaahi Towfiiq.

(ILAAHOOW JANNADA GURI NOOGA YEEL).

WQ:- Macoow Ustaad.

Leave a Reply