Gabar Aad U Da’yar Dhaqaatiirtii Qaliinka Ku Sameynayay Aay Kala Baxeen Xubin Muhiim Ah.

0

Cusbitaal ku yaala dalka Shiinaha, ayaa baadhitaan ku socda, kadib markii haweenay ay qalliin fudud ku samaynaayeen ku eedaysay in ay kala baxeen mid ka mid ah labadeeda kelyood.

Haweenayda oo al yidhaa Wai Jianmin oo 29 jir ah, waxa la dhigay cusbitaalka la yidhaa Shenzhen Guangsheng oo ku yaal Gobolka Guangdong ee dalka China, kadib markii qalliin lagaga sameeyey dhuunta kaadi mareenka oo gufaysantay, ayaa markii ay soo toostay waxay ka war heshay in kelyaheeda mid ka mid ah maqan tahay.

Dhakhtarkii qalliinka ku samaynaayey ayaa u sheegay in kelyuhu dhiig sii daayeen, lagana saaray si nolosheeda loo badbaadiyo, balse waxay ka shakiday dhakhaatiirtu in ay kelideeda oo ay caafimaad ku ogayd, xannuuna aan loogu sheegin ay ka ganacsanayaan.

“Aad baan u welwelay, sababtoo ah kelidayda waligeed wax dhib ay may keenin, dhakhtarkuna wuxuu ii sheegay in ay dhimatay, markii aan waydiiyey in uu dhakhtar kale ii gudbiyo, wuxuu ii sheegay in haddii qalliin la igu samayn waayo aan dhimanayo, sidaasaan u saxeexay,” ayey tidhi gabadhan oo ka shakisan dhakhtarka qalliinka ku sameeyey.

Qoyska gabadhan ayaa dhakhaatiir madaxbannaan ka cosday in ay kelida baadhaan, balse aakhirkii ay waayeen meel ay taalo.

“Waxaan u malaynaya in ay kelidaydii qaateen, waxaanay isku dayeen in ay lacag i siiyaan si ay igu mag-dhabaan, balse waxaan doonaya kelidaydii,” ayey Ms. Jianmin ku dooday.

Afhayeen u hadlay dhakhtarka, ayaa ku dooday in gabadhan saxeexday heshiiska lagaga saraayey kelida oo la geeyey meel cusbitaalka ka mid ah, balse waxa kiiskan loo diray saraakiil madaxbannaan oo baadhitaan ku sameeya sida wax u dhaceen.

Leave a Reply