fb

Gabadha Ku Cusub Nolosha Waa Inee Ka Fogaataa 15-kaan Qodob Ragu Aaysan Jecleyn.

Published: August 26, 2014, 5:20 pm

Barnaamijkaani waxa uu gaar u yahay Dumarka ama Hablaha  Soomaaliyeed waxa aana uga hadli doona Qodobo muhiim u ah Dumarka kuwaasi oo loo baahanyahay inay ka fogaadan.

Cinwaanka aan qoraalka uga hadli doono waxa uu yahay (Ka fogaaw sameynta Qodobadda soo socda inta aad ku guda-jirto Bisha barakeysan ee Shahrul casalka ah).

QODOBO MUHIIM AH UNA GAAR AH DUMARKA:-

1- Haddii aad tahay Gabar ku dhiiratay inay aqal-gasho ka fogaan inta aad ku guda jirto Bisha barakeysan inad qal-qal galiso  Xaajigada.

2- iska ilaali sameynta dhaqamada xun-xun ee ka fogeyn karo Ninkaada sida: Ciyaal suuqnimada, sameynta waxyaabaha uu dhibsanaayo, ka maqnaanshaha hooyga xiliyada uu shaqada ka soo baxaayo IWM .

3- Haddii aad tahay Gabar yar inta aad ku guda jirto maalmaha Koowad ee arooska isku day inad muujiso xasilooni kana fogaaw wel welka kaaga imaan karo dhanka gacaliyahaaga . ha moogan in wel welka uu yahay mid aad awoodo inad xakameyso shaqsiyad ahaantada.

4- inan yahay ma ogtahay maalmaha koowad haddii aad sameyso ficil xun in sida ugu dhaqsiyaha badan gurigaaga uu ku bur-buri doono, sababtuna waxa ay tahay xasilooni daro ka dhalaneysa labada dhinac.

5- inta badan waqtigaada sii  Xaajigaada si aad uga saarto jawiga uu xilligaasi ku sugan yahay  adiga oona geynaaya Jawi wanaagsan oo ku dheehan degnaansho, raali galin, fir-fircooni.

6- Weeney soona dhawey ninkaada habeenka koowad si aad jilbaha ugu dhigto guusha aqal-galkaada habeenkaasi.

7- Ma ogtahay in boqolaal dumar loo furay xasilooni daro, ixtiraam la’aan, fara-dheeri IWM.

8- isku-day in maalinta koowad aad xusto wanaaga boqorkaada isla markaana muuji Jaceyl ka duwan kii aad u qabtay xilligii hore.

9- Ogaaw gabar yahay in ficilkaada iyo wanaagada uu yahay mid ku geyn-karo meel waliba oo ah xumaan iyo wanaag.

10- Gabaryahay ka fogaaw haddii aad guursato Asxaabtada badan oo inta badan sababa kala fogaan shaha ninka iyo naagta ama furiinka deg dega ah.

11- ka fiirso inta aadan guursan dabeecadda ninka aad guursaneyso.

12- isku-day inad bedesho dabeecadaada ka hor inta aadan guursan, haddii aad guursato si aad uga fogaato wax waliba ee bur-burinkara dhismaha gurigaaga.

13- ha faafin sirta idinka dhexeysa adiga iyo ninkaada

14- Iska ilaali xiriirin la’aanta Ehelka Xaajigaada ama ninkaada.

15- Ugu dambeyntii, Gabaryahay Ragu ma jecla dumarka wareega ama socodka badan.

Qodobadaasi aay idiin soo gudbisay shabakada kobciyemedia.com waxaa laga soo turjumay Buug uu qoray Khabiir u dhashay dalka Urdun oo isagu aqoon u leh waxna ka qora Arrimaha Bulshadda.


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply