Gabadha Hadii Aay La Timaado Tilmaamahaan Ragga Marnaba Masii daayaan.

2

Waxaan ku siineynaa tilmaamo ay wanaagsan tahay in ay kaa muuqdaan gabaryaheey taasi oo kaa saacideysa in uu wanaagsanaado xariirkaada jaceyl ee qaado.

Isku Kalsoonaanta :

Ragga ma jecla haweeneyda nafteeda ku kalsooneyn ee isku kalsoonaanta ha ahaato dariskaada waana furaha loogu dhawaado ninka.

Go`aan goynta:

Mararka qaar haweeneyda waxaa ku adkaata in arin ay la gooyso ninkeeda oo aamusnaanta ayay ku caawisaa , ogoow ninka waxa uu jecel yahay haweenka go`aan goynta sameeysa oo ra`yigeeda siisa ninkeeda isla markaana la qoondeysa , bilaa cabsasho iyo ka laa-laabasho la`aan ku sii ra`yigaada.

Fur-furnaanta :

Dhoola cadeynta iyo qosolka waa waqtiyada uu ninka ugu jecel yahay in uu la qaato lamaantiisa , ninkaada ha noqdo mid u soo xiisa sheekadada inta uu ka maqan yahay shaqada .

Xoriyad Xad Leh :

Ninkaada haka yeelin in uu ahaado mid ku gadaaman dhaq dhaqaaqyadaada iyo maaweeladaada,isku day in aad mararka qaar kaligaa waqti qaadan karto.

2 COMMENTS

  1. asc- asxabta walalaha qaligaa ee kuxiran kobciye dhaman wan idinsalamay
    kobciye idinkuna waad kumahadsantihiin talooyinka wanaagsan ee aad bulshada usoo gudbisaan runtiina waan idinku amanayaa qeybta wanagsan ee aad saxafada kaga jirtaan maasha allaah …..hadaan usonoqdo atmahan kor ku xusan runtii waa xaqiiq jirta in hadii qofku isku kalsonyahay uu go,aamo wax ku oolana qadan karo islamarkaana uu yahay qof fur furan oo bashuusha dholacadeyn iyo dabci wanaag isku darsaday yaaba iska daayn kara waxaan jeclaan laheyn astamahaasna wiilashena laga helo si gabdhuhuna uu ugu fara adegaan waayo inta badan wiilashenu markey guursadan oo eey caruur dhalaan manoqdaan kuwa qooska sodhexgala oo fur furan dhola cadeysna iskaba daay runtii mar marka qaar waxaad arkeysaa reer aabohood inuu lajoogo nasiib u yeeshay hadana aaney dha dhamineynin macaanka aabahaas iyo wujuudkiisa guriga waxaad arkeysaa aamu aabeheenbaa jooga fadhiguu kaligii kujiraa TV isaguu uxayiranyahay akhbar iyo odayal murmaya umbuu dawanayaa caruurti iyo hoyadod gurigiibeey dhex mereysanayaan ilaa eey marka dambe wada seexdan caruurti iyo hoyadi hadaba aabahaas waa xiligee xilaga uu caruurtisa lacayarayo waa xiligee xilaga uu xaaskiisa lakaftamayo waa xiligee xiliga wiilashisi oo so koraya misna ubahan aabo lakaftama oo tusiya inuu dareensanyahay xiliga eey kujiraan islamarkana dariiq wanaagsan ujexa si aaney uweecan runtii aabayasha qaarkood ilaahay hasohadeyo kuligoodna mawada ahan noocaas oo qaarbadanbaa caruurtooda kudadala maasha allaah sida aabaheey kkkkk intana waa kaftan

  2. Maansha allah….kalmadaha isoo jiitay waa markaad Aabaha sifaynaysay….xusuus baan dib u raacay…maalmihi wacnaa ee aan la soo qaatay… ilaahay godka ha unuuriye isaga iyo umada nabi muhamed bee…aabahii idhalay…Mahadsanid
    Runtii qarniga la joogo…wax kastaa wuu qiime beelay….hareera bal eeg…dhalinyaro rag iyo dumar ..duqay oday iyo islaan…..mid kastaa darajaduu lahaan jiray wuu kasoo degay….ilahay umada ha inoo wanaajiyo…..markaan qodobkan aan u soon noqdo….runtii nolosha si aad macaan kayda u dhadhamisid….baadi goob baan baan galay ….anoo u eegayaa runtii qodobodaa kor ku xusan….sababtoo ah …I have fursad markaliya oo ah inaan aduunkay guud kiisa ku nolaado….markaa waa inaan helaa mid himilooyinkayga ila garab gasha ka rumayntiisa not mid cagta i qabata…soo dhawee rabo raalidaas..

Leave a Reply