fb

Dhibaato Intee La Eg ayey Leedahay In Wiilka Iyo Gabadha Meel Ku Keliyoobaan Iyo Suaal Lasoo Weydiiyay Sheikh Idiris.

Published: August 29, 2014, 3:06 pm

Dembiga Dayacaad baa ka horraysey!

Wax badan ayaan ka digney xiriirka, dhalin yaradana gaar ahaan ku wacyi geliney, siiba gabdhaha, iney ka digtoonaadaan xiriirka saaxiibtinimo, sheekaysi, haasaawe, shukaansi, ee ka baxsan xadka sharcigu u dejiyey xiriirka ragga iyo dumar kaasoo lagu koobi karo:

Nin iyo Haween aan Maxram isu ahayn inaaney meel ku keliyaysan (Khalwo)
Khalwada (Ama keli ahaanshaha ninka iyo gabadha) si adag ayey shareccadu u xaaraantimaysay..

Khalwadaas wexey noqon kartaa Guri, Shaqo, Xafiis, Baabuur, Lift (Wiish), iskuul, ama meel kasta oo labadaas qof keli ku noqdaan oo aan dad la joogin.

Sharcigu siduu arrinkaa u adkeeyey wuxu ku sheegay Rasuulku Calayhi Salaatu wasalaam in Sheydaan Saddex ku yahay! Maxaad ka fili meel sheydaan joogo?

Aaladaha lagu wada xiriiro waxaa shardiya:

Sawir fadhiya ama dhaqaaqa inaan laysu gudbin Hadalku inaanu dheeraan Xuduuda caamka ah ee lagu wada hadlo waa inaanu dhaafin Inaanu dheeraan

Sabab Sharciya hadalku inuu leeyahay: Su’aal diina, wax gadasho, wax barasho, iwm., salaan iyo wax weydiin..

Gabadhu waa inaaney hadalka jilcin, kelmad kasta oo debecsan waa mamnuu
6) Intaas oo dhan haddana sharcigu wuxuu ku xayndaabay: Maxram La’aan inaan gabari Safrin, Xijaab la’aan inaaney dibad socon, Nin inaaney afka la laacin dhawrsi la’aan..

=================================================

Arartaas waxaan ugu soo celinayaa su’aalaha iyo waraaqaha qoomamada iyo Khasaaraha diin iyo adduunyo xambaarsan ee naxdinta leh ee maalin walba isoo gaaraya, gaar ahaan dhalinyarada, qaar badanna aanan soo bandhigin, codsigooda anoo tix gelinaya, iyo anigoon waraaqahaas jeclayn inaan soo bandhigo!

=====================================

Waxaa ka mid ah warqaddan wiil iisoo qoray nuxurkeeda ayaan soo koobayaa, wuxuu soo qoray oo dhan maaha:

(Sh. Maxamed Idris Assalamu Calaykum, Waxaan ahay wiil Dhalinyara ah, oo pagekaaga ku xiran, waxaan kaa rabaa talo, iyo tusaale.. Waxaan ahay wiil dhoof suge ah, waxaan joogaa meel africa ka mid ah, gabar aan saaxiib nahay ayaa sheydaanku naga faa’iidaystey, habeen ayaan annaga oo aan is qabin isu tagnay, gabadhiina wexey ii sheegtay iney uur qaaday, aabeheed dibadda ayuu jiraa, wexey tiri aabahay la hadal oo iga soo doon, aroos iyo meherna ii dhig, anigana waxba ma haysto, biil suge ayaan ahay,

waxaan iri, walaalkaa aan kaa doono aan is guursano, wexey igu tiri: Kaniin ii keen aan ilmaha soo rido intuu yaryahay, waxaan iri: hadaan dembi ku jirnaa mid kale kelimaayo, arrintaas ayaa kurba weyn igu haysa, oo aan la seexan kari la’ahay, waana ka tawbad keenayaa, waxaan ku weydiin: Hadaan nikaaxsado ilmahaas xaaraan miyaa mise waan leeyahay? hadaan kiniinka usoo gado ama ay hesho dilkaa dembi ma ku leeyahay? Waxaan kaa rajaynayaa jawaab deg deg ah sheekhow ilaahay hakaa ajar siiyo?).
_______________________________________________
Wcs Waxaan leeyahay Wiilkaa iyo dhalinta la midka ah:

Diintu wax badan ayey nooga digtey xiriirka labka iyo dhaddiga, sababtaasna weeye wax sharcigu u adkeeyey, Miyey dhici kari lahayd zinadu hadeydaan isla keliyaysan? sideed ugu gashay ama ay kuugu soo gashay gabar keligeed hal meel oo qarsoon? sideed ku ogolaateen? Markaas ayuu dhibku dhacay, ee hadda ma dhicin..

Shahawaatku waa Waraabe, gaajaysan, oo xarigga laga furay, oo ari cidlaa arkay! meel kale iska daaye: Wiishka hoteelka ama xafiiska hadaad fuuleyso oo adiga iyo qof dumara keliya aad noqotaan, midkiinna inuu raaco maaha! sababtoo ah waa khalwada ugu yar ee dhici karta, sheeydaankuna marna iyo meelna ma hurdo! Dembigana Dayacaad xagaaga, xageeda, xagga waalidkeeda iyo maxramkeeda, ayaa ka horraysay, sharciguna intaan dhibku iman ayuu kasii gaashaantaa!

Adeer marka hore adiga iyo gabadhuba ilaahay u tawbad keena, marka xiga culimadu qawlal kala duwan ayey ka leeyihiin gabadha zinada ku uuraysatay in la meherin karo iyo in kale, waxaana asturaadda shareecadu jeceshahay u dhow in laysku meheriyo, ilmaha nikaax la’aanta ah ninna looguma abtiriyo, hooyadiis uun buu raacaa, waana cuquubada arrinkaa foosha xun, laakiin culimada qaar ayaa qaba hadii ninku qaato ilmaha, oo lagu nikaaxo, waa loogu abtirinayaa, Ilaahay ayaa cafis leh,

laakiin markasta waa arrin dembi iyo sharaf dhac iyo magac darro laga dhaxlo, khasaaraha ugu weynna gabadha ayaa qaadda, ilmaha sina looma dili karo ama ha yaraado ama ha weynaado, waxaanan kugula talin lahaa, inaad nikaaxsato gabadha, ilaahayna isku kiin asturo, meel eey ka hadasho aroos weyn iyo dabaaldegna ma joogto, ee xaalad asturaad ayey mareysaa, ilaahayna uga tawbad keena dembigaas foosha xun.

Wexeyna cibra mar kale u tahay, wiilasha iyo gabdhaha, (Jacaylka beentaa) ee aan xuduuda sharcigaa lahayn laga kari la’yahay, iyo waalidka isaguna damman ee qaafilka ah, kalsoonidana aan meesheeda dhigin..

Ilaahay gabdheheenna iyo wiilashaba ha asturo cirdigoodana Allaha Ilaasho, xumaantana Allaha ka reebo..

Wabillaahi tawfiiq


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

One Comment : Dhibaato Intee La Eg ayey Leedahay In Wiilka Iyo Gabadha Meel Ku Keliyoobaan Iyo Suaal Lasoo Weydiiyay Sheikh Idiris.

  1. Maa sha allaah aad ayuu uku mahat San yahay sheeqa
    Tiinta waxey nafareeyso waa inaa qaadanaa
    Oo kudhaqanaa hataa nahay tat muslimiin ah

Leave a Reply