Daawooyinka Antibiotic Ah Oo La Ogaaday In Laga Qaado Wadno Xanuun Iyo Arimo Kaloo Halis Ah.

0

Daawooyinka loo yaqaan Antibiotic amma loo cuno caabuqa bakteeriyada iyo waxyaabaha la mid ah sababaan ah oo dadka badankoodu qataan, ayaa la ogaaday in wadno xannuunka ay sababaan sida ay digniin caafimaad ku soo sareen dhakhaatiir caalami ah.

Waxa la ogaaday in maadada clarithromycin oo inta badan loo isticmaalo dawaynta caabuqa ay sababto bakteeriyadu ay 76% ay kor u qaado xannuunka wadno-xannuunka, kuwaasoo dad badan uu Ilaahay ku sababo in ay u geeriyoodaan.

Cilmi-badhayaashan caafimaad waxay sheegeen in aan dhakhaatiirtu yarayn xaddiga ay dadka u qoraan Antibiotic ilaa khubaro kale ansixinayso daraasadan ku saabsan in daawooyinkaas sababaan wadno-xannuunka.

Khubaro kale ayaa sheegtay in inta la sugaayo ansixin dhakhaatiir kale ay dhibaatadu ka sii badanayso daawooyinkana ay dadka wadno-xannuun qaadsiin doonaan.

Haddaba, daawooyinkan oo inta badan loo isticmaalo caabuqyada sida oofta, caabuqa dhegaha ku dhaca, xannuunada maqaarka, cuno xannuunka iyo boog calooleedka waxay khubaru sheegeen in laga iska yareeyo.

Dr. Mike Knapton oo ah ku-xigeenka madaxa Ururka Dhakhaatiirta Wadno-xannuunka ee dalka Ingiriiska, ayaa sheegay in ay hore dignin uga soo saareen khatarta wadno-xannuun ee ku qarsoon daawooyinkan xannuun baabiiyayaassha ah amma caabuqa lagu daaweeyo, waxaannu yidhi; “Daraasadan waxay soo bandhigtay in khubaradu sii wadi doonaan taladooda, loona baahan yahay daraasad dheeraad ah si loo fahmo saamaynta dhabta ah ee daawooyinka Antibiotic ah.”

Sidoo kale warbixin ka mid ah daraasadan oo lagu daabacay mareegta thebmj.con lagu sheegay;”Daraasadayadu waxay sii faahfaahinaysaa in cilmi-dheeraad ah laga helo in dadku ka badbadaan xannuunada wadno xannuunka, waana cilmi-baadhistii ugu ballaadhnayd eek u salaysnayd in khatar badan ay kordhiyaan daawooyinka caabuqa lagaga hortago (Antibiotic).”

Leave a Reply