fb

Daawo Muuqaalka Aadan Aamini Karin Oo Gebo Gebo U Ah Dhismaha Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde.

Published: August 24, 2014, 11:25 am

Dhismaha Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde International ee Magaalada Muqdisho, ayaa meel aad u wanaagsan maraya, ayada oo durbaba la dareemayo bilicda cusub ee Garroonka uu yeelanayo.

Dhismahan ayaa waxaa wada dowladda Turkiga oo si wanaagsan u caawineysa Soomaaliya, waxaana hadda meel gebo gebo ah maraya terminal caalami ah oo loo dhisay garroonka Aadan Cadde. Weli fari kama qodna howsha dhismaha, hase yeeshee Terminal-ka caalamiga ah ayaa mar dhow howl gali doona.

Sawirro cusub ee laga soo qaaday garoonka ayaa muujinaya is-beddel weyn oo garroonka ku socda, ayada oo la dareemeyso in hadda uu la mid noqonayo garroomada caalamiga ah ee dalalka horumaray.

1

2

3

4

5

6


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply