fb

Cunista Yaanyada Oo La Ogaaday In Ragga Aduunka Aay Ka Difaacdo Cudur Halis Ku Ah Nafta.

Published: August 29, 2014, 7:34 pm

Isticmaalka tammaadnhadda toddobaadkiiba hal mar, ayaa la ogaaday in ragga ay ka difaacdo kansarka, gaar ahaan nooca kaga dhaca xubnaha taranka (Prostate Cancer) 20% sida lagu sheegay cilmi-baadhis cusub.

Dhakhaatiirta arrintan baadhitaanka ku samaysay in awoodda tamaandhadu ku difaacdo kansarku ay ka timi maado kiimiko ah oo ku dhex jirta, taasoo la yidhaa Lycopene.

Baadhitaankan caafimaad ee tamaandhada lagu sameeyey waxa uu iftiimiyey in xataa haddii cuntada lagu darsado ay faa’iido leedahay, gaar ahaan waxa bedka la soo dhigay in ragga sida tooska ah u cuna ay ka badbadaan 20% cudurkan.

Cilmi-baadhistan oo ah tii ugu horraysay ee nooceeda ah, isla markaana ay samayso Jaamacadaha Bristol, Cambridge iyo Oxford waxa  lagu baadhay cuntooyinka ay quutan ku dhawaad 14,000 nin oo da’doodu u dhaxayso 50 ilaa 69 jir, waxaanay ka soo baxday in ragga cuna tamaandhada toddobaadkii 18% ay ka badbadaan kansarka ku dhaca xubnaha taranka, marka loo eego kuwa aan iyadu quudanba tammaandho.

Cilmi-badhayaashu waxay ragga ku boorriyeen in cunaan cuntada tammaandhadu ku badan tahay, maadaama kansarka noocan ah aad ugu badan yahay ragga.


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply