fb

Cajiib Daawo Sawirka Iyo Sida Uu Ushaqeeyo Surwaal Cusub Oo Dumarka Ka Illaalinayo In La Kufsado.

Published: August 29, 2014, 12:00 am

Iyada oo uu cirka isku sii shareerayo kufsiga loo gaysto dumarka ee dalka India ayaa dad badani bilaabeen baadhitaanno iyo farsamooyin kala duwan sidii xal loogu heli lahaa dhibaatadan dumarka dalkaasi soo food saartay.

Dadkan ayaa waxa ku jiray 2 hablood oo arday ah oo ku guulaystay inay soo saaraan surwaal cusub oo dumarka ka horjoogsanaya kufsiga loo gaysanayo, iyaga oo u adeegsanaya technology casri ah oo xaddidaysa barta ay joogto gabadhan dhibku ku dhacayaa kadibna markiiba fariin u diraysa saldhig boolis ka ugu dhaw.

Labadan gabdhood oo magacyadooda la kala idhaahdo “Daine Miel 21 Jir” iyo “Anji Sarvastava 23jir “ayaa waxay rajo wayn ka qabaan in surwaalkani uu ku faafo dunida daafaheega oo dhan, isla markaana uu badbaadiyo dumar badan oo dhibkani haleelo sannad kaste.

Sida uu ku waramay wargayska “Daily Mail” ee kasoo baxa wadanka UK ayaa qalabkan yar ee ku dhex tolan surwaalku judha ay gabadhu dareento dhibaato ay cadaadinaysaa, kadibna sida ugu dhakhsoha badan uu u gaadhayaa baaqeegaasi saldhig boolis ka ugu dhow, iyada oo waliba aanuu qofka dhibaatada u gaysanayaa dareensanayn in loosoo socdo iyo in ay gargaar dalbatay toona.

Waxa uu wargaysku intaasi ku daray qalabkan ayaa waxa laga aqoonsaday India in ka badan 200 oo saldhig police, waxaana la filayaa inuu hoos u dhigo tirada aan caadiga ahayn ee kufsiga lagula kaco durmarka dalkani India.

 

Gabagabadii waxa uu wargaysku sheegay in dhibaatadan baaxada lahi kor u kacday sanaddadii ugu dambeeyay wadanka India gudihiisa, iyada oo 22 daqiiqo ba gabadh lagu kufsado sida ay sheegayaan diraasadaha arinkan lagu sameeyay.


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply