fb

Cajiib ALLAAH iyo wakhtiyadii uu Abuuray Waxyaabaha Ku Saabsan Dunida Iyo Makhluuqa U Danbeeyee La Abuurayo.

Published: August 26, 2014, 10:03 am

ALLAAH kor ahaayee aduunyadaan aad u jeedo wuxuu ku dhisay awoodiisa inta aadan dunida la keenina allah wuxuu kusii diyaariyay waxyaabo badan oo aduunka la’aantood aan la noolaan karin.

Hadaba maanta waxaan faaideysan doonaa wakhtiga la sameeyay waxyaabo badan oo dunida ku saabsan.

Rasuulka CSW, waxaa laga weriyey inuu yiri:-

1- Allaah SW, Ciidda (Carada) wuxuu Abuuray Maalin Sabti ah.

2- Buurahana wuxuu Abuuray Maalin Axad ah.

3- Geedahana wuxuu Abuurey Maalin Isniin ah.

4- Waxa la Kahdo (la Naco) wuxuu Abuuray Maalin Talaada ah.

5- Nuurkana wuxuu Abuuray Maalin Arbaca ah.

6- Wax walbo oo kutubana wuxuu soo Saarey Maalin Khamiis ah.

7- Nabi Aadam CS, waxaa la Abuuray Maalin Jimca ah (Waqtiga Casir ka dib), waana Khalqiga midkii ugu Dambeeyey ee Alaah uu Abuuro, Saacada Qiyaamaha waxey Dhici doontaa Malin Jimce ah, inta u Dhaxeysa Casarka iyo Habeenka. (waxaa wariyay Muslim).

======================================

(ILAAHOOW ADDUUN & AAKHIRO NOO NAXRIISO).
W.Q:- Macoow Ustaad.


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply