Bal Ila Arag Qisadan Nabiga SCW Ninkii Ugu Horeeyay Uu Dil Ku Xukumay Iyo Markuu Cararay Waxey Sowjadiisii Sameysay..!!

3

Nabiga CSW, Qof uu Dil ku Xukumay waxaa ugu Horeeyay Cikrama Bin Abii Jahal, Haddaba, Cikrama Makka wuu ka Cararay Maadama Dil lagu Xukumay, Yemen ayuuna Magan galayo ku galay, Sowjadiisii Maxay Sameysay Markuu Ninkeedii Cararay? Bal ila Arag:-

Umu Xakiim waa Xaaskii Cikrama waxey u timid Rasuulka CSW Wey islaantay, ka dib waxey tiri:- Rasuulki Alloow waxaa kaa Orday Cikrama oo Ninkeyga ah Yemen ayuu u Orday, Asagoo ka Cabsanaayo inaad Disho, iska Amaan geli, Amaanakallaahu ilaahay Haku Aamaan geliyee,

Rasuulka CSW, wuxuu yiri:- Aamin waaye (yacni wuu ka Aqbalay Codsiheeda). Isla Waqtigaas wey baxday Raadintiisii ayey u Baxday wey ka Daba timid, waxayna ku tiri:- Waxaan kaaga Imid Dadka midka ugu Fadliga badan Aktiisa,

Dadka midka ugu Baarinimo badan Agtiisa, Dadka midka ugu Kheyrka badan Agtiisa (yacni Nabiga CSW ayey ka wadaa) Ammaan ayaan kaaga soo qaaday, waana ku Amaan Geliyay Nabigee Naftaada ha Halaajinin ee Soo noqo. kolkaas ayuu yiri:- Adiga maa la Hadashay?, waxey tiri:- Haa Anaa la Hadlay,

Waana ku Amaan Galiyay. kama eysan Suulin iney Aamin Galineyso ayna Dajineyso ilaa uu la soo Noqday. intey soo Socdeen wuxuu Damcay inuu la Qalweeyo wey ka Diiday, Diidmo mida ugu Daran waxeyna ku tiri:- Aniga Muslimad ayaan ahay,

Adna Mushrik iima soo Dhawaan kartit, Cikrama aad ayuu ula yaabay oo weligeed Amarkiisa ma Diidin, kolkaas ayuu yiri:- Amarkaan aad Maanta igu Diiday ma Sahlano.
Nabiga CSW, ayey iskula yimaadeen Cikrama wuxuu yiri:- yaa Muxammad, Umu Xakiim waxey ii Sheegtay inaad i Aamin Gelisay ee Runteed miyaa? Nabiga CSW, ayaa ugu Jawaabay:- Run bey Sheektay Aamin baa Tahay, Haddaba, Cikrama isla markiiba wuu Soo Islaamay.

(ILAAHOOW DIINTAADA U GAR-GAAR).

W.Q:- Macoow Ustaad.

3 COMMENTS

  1. masha Allaah raaliyo
    ninkii helaa raganimo
    ku faano
    Ilaahay gabdhaheena
    raaliyo ha inooga dhiga
    iyaga waa janadeena
    anigana waa janadooda
    Ilaahay Somali janada ha ku wada ku
    lan siiya
    aaaaaaaamiiiiiin

  2. asc waa xigmad tusaalo inoo ah maashsa allaah ilaahay ha ka raali noqdo cikrama iyo xaaskiisa
    somalisuna iyagoo muslina ayey gaalo guursadaan

Leave a Reply