fb

Arin Aad ogtahay Balse Aad Iloowsan Tahay Maantaba Xasuuso Si Aad Qalbigaaga U Gilgisho..!!

Published: August 31, 2014, 12:19 pm

Waa laguu meyrayaa’dabadeed waxaa laguu labisayaa karfintii, Adoo naxash saaran ayaa gurigaada lagaa bixinayaa’waxaa laguu sidaa qabrigaagii oo la sii diyaariyay.

Dad badan ayaa ka soo qeyb galayo janaasadaada,qaar howlahoodii ayeey u soo joojinayaan Duugtaada aawgeed, dadkaasi waxaa ka mid ah,qaar aan waligood xitaa hal maalin kula talinin ama kuu nasteexeynin.

Alaabtaadi ayaa lagugu xijinayaa,dharkaagii­, kabahaadii iyo waxyaabihii kale eed xiran jirtay, haddii ehelkaaga isku raaco waa laguu sadaqeeynayaa si eey kuu anfacaan.

Waxaa hubaal ah in adduunyada ku tabi doonin,

Shaqadaadii ruux kalaa loo igmanayaa Maalkaagii waa la kala qeybsanayaa’adigana xisaabtiisa bun lagaaga dhimi maayo.

Dadka qaarki aad isku fiicneydeen,waxeey ku dhihi doonaan allaha u naxariisto miskiin buu ahaa saacado kadibna danahoodii ayeey iska sii wadan doonaan

* Murugta weyn gurigaada ayaa laga dareemayaa’isna bil iyo laba kadib wuu iskaa dhigayaa
Sidaas ayeey qisadaadii ku dhamaaneysaa maalintaas nin ku ammaanayna waxba kuuma taro,mid ku caayana waxba kaama dhimo.

Su’aasha taalaa waxeey tahay,Qabrigaagi maxaa u diyaarsatay?

Xaqiiqadani waxeey rabtaa dadaal, Labo iska illaali, Midna waligaa ogow!

Salaada ood dhayalsato iyo maalka xaaraanta ah, Ogoowna in qofkii aanan aqrinin quraanka Kariimka ah saddax maalin oo isku xigto (bilaa ictidaar)loogu yeero (Haajir) ka tage ama kii ka haajiray quraanka.

Waxaan ka soo ergaday

(Adhariiq illal Jana)

Turjume Ustaadka


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply