fb

Akhriso Sababaha Ku Kalifo Ninka Soomaaliyeed Inuu Mar Kale Guursado Haweeney Cusub.

Published: August 25, 2014, 12:02 am

Badanaaba ragga S0omaalidu waxay ku caan yihiin guurka badan ee la guursado hal mar wax ka badan. Cilmi baadhis la sameeyay ayaa lagu ogaaday in ragga Soomaalida ah 87% ay leeyihin wax ka badan hal xaas marka ay dhaafan 40 jirka.

Iyadoo ay taas barbar socoto dhamaan dhibaatooyinkii dhaqaalaha iyo qoyska, ayaa hadana uu u muuqdaa ninka Soomaalyeed mid kara awoodna u yeesha inuu daryeelo, dhaqaaleeyana wax ka badan hal xaas iyo caruurtooda, waxaaba se udheer duruufaha culculus ee la gudboon ragga Soomaalida iyo balwadaha kala duwan sida Qaadka iwm.

Hadaba waa maxay sababaha ku kalifa ninka Somaaliga ah iyadoo ay ku gedaamanyihiin dhamaan arimahaas kor ku xusan inuu u babac dhigo hawsha guurka oo marba marka ka sii dambaysa kor usii kacaysa? Maxaa badanaaba ku kalifa ragga in ay ka calool go’aan jacaylkii hore, oo ay mid cusub dib soo ciyaarsiiyaan?

Waxaanu isku daynay in aan wax ka waydiino dad waynaha arintan, kadib markaanu waraysi layeelanay dhalin yaro iyo waayeel, qurbe joog iyo qolqol joog intaba, waxa noosoo baxay sababo dhawr ah, waxaana ka mida:

1) Badanaaba dhalmada ka dib waxa fuula dumarka hilib, laakiin dumarka soomaaliyeed ayan ahayn qaar ka soo kabta, iskana rida , kaas oo wax u dhima fud fudaydka xaaska iyo shax shax-da qoysaka.

2) Dumarka Soomaaliyeed oo badanaaba ku mashquula caruurta, firaaqadii badnaydna siin waaya xaajiga.

3) Wax yaabaha kobciya jacaylka oo aad ugu yar dadka Soomaalida ah, sida hadyadaha, dalxiiska, kulanada iyo dhacdooyinka farxadeed ee kadiska ah, abaalmarinta iyo balanqaadyada dhiirigalimeed….iwm.

4) Baahiyaha aqoon darro ee ka jira mujtamaca. Badanaaba way yartahay in la helo qoys Aabaha iyo Hooyaduba si is leeg wax u barteen aqoona ay leeyihiin, tani waxay sababtaa in marka khilaaf yimaado aan hab cilmiyaysan wax loo eegin, waayo waxa isku haya meesha laba qof oo kala aragti ah.

5) Ragga oo waxa cusub jecel, dumarkii oo batay, Iyo xaaskii oo shax shax yar kuna mashquushay caruurtii.


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

12 Comments : Akhriso Sababaha Ku Kalifo Ninka Soomaaliyeed Inuu Mar Kale Guursado Haweeney Cusub.

  1. Caaliya says:

    Asc….anugu waxan tala siin lahaa gabdhaha anigoo barta umulisanimada runtii khibradeyda ayan jecelahay inaan idinkaga faaiideeyo
    1 marka aadguursatid 2sano ee ugu horeeya haku dagdagin inaad uurqaado iyadoon lacelinkarin wixi allaah qadaray hadana isku day inaad qofkaaga isbarataan oo aad waqti isla qadataan kadibna idinkoo labadiinuba diyaar u ah inaad ubaddhashaan oo qofwaliba kalinta kaga aadan ilmahayare dhalanaya uukasobixikaro.
    2 dhalmada kadib kudadaal jidhkaaga adigoo ubadkaaga nuujinaya hadana isku farisan intaad cunto iska buuxisid
    3 ilmahayar ee aad dhashay adigoo xuquuqdisa hilmameyn ogow hadana in ninkaagu ilma yar oo aad dhashay oo kale uu kaaga sugayo xanaaneen iyo kol kolin marka waqtigu hakuu kala socnado
    4 kudadal inaad ugu yaraan caruurta eey kala korsanyihiin waayo marka caruur isku dhaw dhaw aad dhasho jidhkagu waa dabcayaa
    5hadii aad ehel iyo asxaab fican ledahay mar mar caruurta uga tago qofkaaga kubami magalada sowada casheya ogsonoowna marwalba hadalkaaga hamacanado isticmaalna daciifnimada allaah kugu karameyay waligana awod iyo ad adeeg iyo amarkutagleen hakudayin coz dumarka awoodooda waxey kujirtaa dacfigooda ……waxaan rajeynayaa hadii adiga intaa lagaa helo inuu isaguna intaa iyo kabadan kusiinayo ……ilaahay hanaga dhigo kuwa guryahooda aaney qeyla kaiman ilaahay ragasomalidana iimaanka hagaliyo oo hatuso wanaaga gabdhohooda eey qabaan aamiin …..halmidbaan halmamay oo ah in gabdhahena eey Wax aqriyaan sida buugaagta maqalada jaceylkaa iskuna daya inaad mar walba guriga qaabka kabadashaa sinoloshu milix iyo xawaash ulahaato .

  2. xanaan says:

    Walaashey aadbaa umahadsantahay wana talo fiican gabdhaha somaliyed waa ina kafa idesana talada ey walashen nasiisay

  3. Mohamed says:

    Aabay ufiican tahay wanadaada aad waanisay gabdhaha anaga somalid wad mahad santahay

  4. Safullah says:

    Runti caliyo gabdhaha way latalisay umuliso kaliya matihid xata waxad tahay dabibe xagan kale ah

  5. umu Asma says:

    Shukran walashay qaali Lkn midbaa jirta labo sano iska daaye hadad sanad dhali waydo adoo aqal galay waa ma dhasho Ayaa lagu dhihi ninka hadaad isaga isku afgarataan ehelkiisa lagama amaan helayo Mida kale awlaadu waatan isu soo dhawaysa lamaanaha fikirka awlaad la sugi mudo Anigu kuguma raacin mahadsanid sifiican baad noola talisay

  6. umu Asma says:

    Waa fikir fiican Lkn labo sano oo dhan hadad awlaad la’aan ma dhacayso taasi waa dhaqan gaal awlaada kala fogee diinta sheegaysaa Lkn labo sano ha dhalin wan kasoo hor jeeda awladu iyadaba dadka isu sii dhawaysa Aadbad umahadsa tahay walashay qaali

  7. caaliya says:

    UMU abayo waa runtaa caruurtu waa iftiinku guriga laakiin mid ma isweydiisay mase aragtay reera badan oo isku cusub in muda yar gudohooda eey ku burburaan iyado wax walba calaf yihiin hadana aniga rayigeyga maskaxdeydan yar ee waliba aan tijabin wali laakiin darasad iyo ukuur galid arimaha qooeyska aan sameyay waxaan arkay in marka la is gursanayo macanto honey adigaan kuudhimanayaa iyo dee hadalo aad is oran dadkaani bil ficil wey isu dhimanayan ayaa maxa dhacaya 2 sano ayago isqabin baa waxaad arkeysaa dadkiiyoo islacnadaya wiilkiyoo gurigiba aan imaneyn asaxaabtiisi iyo kubad xafada kudawanaya Y aqalki markuu imadaba gabadhi xafayadbey badaleysaa tukaleey xireysaa ilmihiibaa qeylinaya aqalkiibaa isdhex yaacsan ayadiibaa dhibateysan oo dalan coz khibrad makirto asagiina wuuba yabanyahay waayo isagii oo aan qoftisi waqti fican laqadanbaa isla markiiba shaqa kale lagalay hadaba ninkaasi ma isku didanahay inuu halmamayo inaad shalay qof isku dhaceysa aad aheyd in aad aheyn mid mar walba dalan oo careysan ….saa darteedbaan anigu fikirkeyga ahaan xal u arkay in marka hore la isfahmo siwanaagsana diyaar loogu noqdo iyadoo lagu balamay in howsha adag ee so socota la isku caawiyo…walaalaheyga waana macquul inaan qaldanahay kkk idinkaa iga garanaya qasatan gabdhaha laqabo laakiin ani waxeyga waa taxliil iyo fikir iyo markaan arkay asaxaabteyda kuwa laguursaday xaladooda…waxaan jeclaan lahaa in aqalkan lawada dhistay qofba dhankiisa ka xoojiyo wabilaahi toowfiiq

  8. aisha-dagan says:

    Ayadoo la dhalaayo aana la dhaqan karaa gabdhahaa kala jilacsan bisha ugu horeeyso inaan uur yeesho waan jeclahay insha allah

  9. umu Asma says:

    Mcnto caliya dadkii oo dhan dulqaadki baa ka tagay rag iyo dumarba ale ha noo gargaago ani Hal bil Xataa ma dhanayn markan uur yeeshay hadana afar baa iidhalatay Hal Hal sano kala weyn waxna igama xumaan Allxam gabdhaha walaalahay ahna Saa iyo si kasii fiican baan urajayn adna aadbaad umahadsan tahay aadbaa laga faa’iidaystay

  10. salma says:

    Asc. Thnks kobciye .nin sidiisaba waa damac badanyahay hal naag maba ku ekanayo noocuu dooni ha.ahaado yacnii gaal iyo muslim ba lkn fursadas inlaga ilaaliyo ayaa fiican see loogu ilaalina waa mas.uuliyada guriga iyo caruurta lasara sababtoo ah dumarka ayaka wax walba qabtaa taas qalad waaye husband and wife ayaka isku ah ninka mas.uul maba saarno xornimo ayuuba heystaa sooma ahan ayadanah waqti uma heysoo caruurta iyo gurigii banankii kasoo shaqaynaysay ku daashay so aw nin kii la yiri midkaluu raadinaa life siiso mushkilaa waaye qaladka dumarka leh ha.iska dayaan waxas ay samaynayan saas karti maahinee bossy waaye dumarka somalida iska dhaafa waxas ee ragiina bara mas.uuliyada

  11. Abdi-Guray says:

    . ……….ALLOW MUHUBO ISKU GALI………..
    —–DUCADA MUSTIJAABIYO ALLOW MAQBUUL KA YEEL——

  12. saluugaay says:

    Ani horta sidaydaba hooyaday aaba caruurteeda ilaa iyo yaraanti madaxa iga cunayen marka caruur xiisaha uma qabo hadan dhalayana 2bo ka badan ina dhalo majecli inkastoon hada ardayad iska ahay oon guur iyo afaarihisa kujirin

Leave a Reply