fb

5 taan xikmadood hadii aad fahanto, nolosha macnaheeda waad fahantay!-

Published: August 26, 2014, 7:00 pm

1- Hadii aad saxan tahay, uma baahnid in aad xanaaqdid,

Hadiise aad qaldan tahay xaqba uma lihid inaad xanaaqdid..!

2- Dulqaadka aad qoyskaada u muujiso waa Jaceyl
Dulqaadka aad dadka u muujiso waa Xushmad/Qadarin
Dulqaadka aad naftaada u muujisana waa kalsooni aad isku qabto.

3- Weligaa aad ha uga fekerin wixii aad soo dhaaftay, waxey kugu dhalin kartaa xusuus qaraar.
Weligaa si weyn ha uga fekerin waxa soo socda, waxaad dareemi kartaa cabsi mustaqbalka ah
Ka faa’iideyso xiliga aad ku sugan tahay adigoo dhoola cadeynaya, ilaaheyna ku kalsoonoow.

4- Imtixaan kastoo nolosha ah wuxuu ku tusaa wel wel ama rajo wanaagsan
Dhib kastoo kusoo marana wuxuu kaa dhigaa qof jaba, ama qof sii jira oo ad adag.
Si kastaba, qadarta ilaah waa mid mar walba jirta, doorashaduse waa dhankaada, hadii aad noqon laheyd qof guul wade ah, ama guul dareyste.

5- Ha raadinin qof waji qurxan leh, balse waxaad raadisaa qof qalbi wanaagsan leh,
Maxaa yeelay wax walboo kula qurxan ma wanaagsana, balse wax walboo kula wanaagsan wey qurxan yihiin.

La soco qoraaladeena xiga oo ah kuwo xiiso badan, looguna magac daray Xikmadaha Warsahal.com


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply