fb

Xukuumada Somaliya Oo Qorsheyneysa In Boqorkii Codka Lagu Aaso Magaalada Muqdisho

Published: March 12, 2014, 7:00 pm

Waxaa soo baxaaya in ay Xukuumada Somaliya magacaabi doonto Guddi, kaasoo ehelada Maxamed Saleebaan Tubeec kala hadla, sidii loogu aasi lahaa Magaalada Muqdisho.

Boqorkii Codka, ayaa Talaadadii ku geeriyooday Isbitaal ku yaala Wadanka Jarmalka, ka gadaal markii laba jeer loogu sameeyay laba qaliin, iyadoo uu u geeriyooday qaliinkii labaad ee lagu sameeyay.

Wasiirka Wasaarada Warfaafinta ee Xukuumada Somaliya Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow iyo Ku Xigeenkiisa C/laahi Colaad Rooble, ayaa waxay Magaalada Muqdisho kulan dheer kula qaateen Abwaanada iyo Fanaaniinta Somaliyeed.

Waxay sheegeen in Dowladdu ay ku hawlan tahay in aas Qaran Magaalada Muqdisho loogu sameeyo fanaankii weynaa ee Ummada Somaliyeed shalay ka baxay.

Wasiirka Warfaafinta wuxuu sheegay in ehelada Maxamed Saleebaan Daahir (Tubeec), ay kala hadlayaan halka lagu aasi doono marxuumka, inkastoo uu sheegay in Dowladdu ay dooneyso, in lagu aaso Magaalada Muqdisho.


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply