fb

Xog Hoose: Waa kuma Ninka Hantay oo soo doontay Jamiilo Xasan Garuun, Maxaase ka taqaanaa? Arooska Qarniga oo la qaban qaabinayo

Published: March 8, 2014, 12:01 am

Xidigta Saxaafada Soomalida ee qarnigani Jamiilo Xasan Garuun oo dal iyo dibad laga yaqaano kana howl gasha Tv-ga Universal ayaa warar hoose oo aan helayno sheegaya in xalay lasoo doontay isla markaana uu dhacay munaasabadii ugu horeysay ee Faraanti geliska iyadoo lagu wado in meherka iyo arooskaba uu dhaco Bisha soo socota ee April,

Sidaasi waxaa inoo xaqiijiyey ilo wareedyo muhiim ah oo lagu kalsoonaan karo oo xalay munaasabada ka qeyb galay. waxaa sidoo kale noo xaqiijiyey qaar ka mid ah qabanqaabiyaasha xafladani,

Haddaba Su’aasha is weydiinta mudan ayaa ah waa kuma Ninka ku guuleystay ama hanantay Qalbiga Jamiila Xasan Garuun muxuusa uga duwan yahay raga kale? iyadoo la ogyahay lagana dharagsan yahay in Jamiila ay baadi goobayeen boqolaal dhalin yaro Soomaaliyeed ayaa waxaa arintaasi si kaftan ah uga jawaabay mid ka mid ah ka qeyb galayaashii  nasiibka u yeeshay munaasabadii ugu horeysay ee lagu soo doontay Wariyada Jamiilo Xasan Garuun ayaa wuxuu yiri waa Wiil dhalin yaro ah oo iskiis u shaqeysta waana Wiil furfuran oo dabeecad wanaagsan isla markaana aanan isla weyneyn dhawaana ayaa idin soo gudbin doonaa xog intaasi ka badan.

Aalada Casriga ah ee lagu bulsheeyo ee loo yaqaano Facebook-ka iyo Twiter-ka ayaa si weyn loogu dareemay farxada iyo damaashaadka soo doonashada Wariyada Jamiilo Xasan Garuun kuwaasi oo taageerayaasheeda aay si weyn ugu hambal yeenayeen,

Waxaana hambalyo taasi la mid ah diraya Maamulka iyo shaqaalaha shabakada kobciyemedia.com waxayna leeyihiin hala soo dedejiyo Meherka iyo Arooska.


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply