fb

Xikmadaha Jaceylka Isbuuca: Macaanto Xusuustu Waa Wax Yaab Leh Markii Aan Xasuusto xiligii Aan Labadeenuba Isku Dul Ooyi Jirnay Waan……

Published: March 6, 2014, 12:04 pm

Waa mar kale iyo xikmadihii jaceylka ahaa ee aanu hawada idiin soo marin jirnay isbuuciiiba hal mar, hadii anu nahay bahda kobciyemedia.com hawada waxaan u marineynaaa lamaanayaasha is jaceyl erayo ku haboon lamaanahooda si aay ugu sii gudbiyaaan, mar welibana waxaan u taaganahay in aan bulshadeena dhinac weliba kadhisno oo aan kahaqabtirno.

Aan iskaga kiin dhex baxo adinka iyo qodobadii jaceylka ee isbuucaaan.

Mararka qaar  waxaad iisoo dirtaa fariiin, balse aniga joogto ayaan kuugu soo diraaa, mararka qaar waad iixiistaaa balse aniga joogto ayaan kuuugu xiiisaaa, mararka qaar waaba I iloowdaaaa, taana waa waxa keliya aanan sameyn doonin intaan nooolahay.

Macaanto xusuustu waa wax yaab leh markii aan xasuusto xiligii aan labadeenuba isku dul ooyn jirnay waan qoslaaa, laakiin markii aan xusuusto xiligiii aan labadeena isla qosli jirnay, waan ooyaaa weliba ilmo kulul.

Hadii aad u maleeysid inaan kaa fikiro waqtiyada qaar waad qaldantahay, waxaan kuu xiisaa keliya markii aan kaa fikirayo, laakiin waxaan kaa fikiraaa ilbiriqsi weliba ee nolosheyda soo marto taasi waxey ka dhigantahay inaaan mar weliba kaa fikiro kuuna xiiso.

Maalmaha waa mashquul, saacadaha aad bey u yaryihiin, ilbiriqsiyadu aad bey udheereeyaan, laakiin sikin weliba kama daallo inaan xaaladaada kuweeydiiyo, maskaxdeydana kama daasho iney kuuxiisto.

Weligaa ha fiirin weji qurux badan, maalin wuxuu isku badali doonaa duqnimo, weliga hafiirin jismi qurux badan maalin wuxuu isku badali doonaa inuu isku laalaabmo, laakiin waxaad fiirisaa keliya qalbigeyga daacada kuu ah aan ebid sidiisaan iyo xiisaha uu kuu qaboiska badali doonin.

Macaanto nolosha waxaad igu bartay casharo ciwaankoodu uu ahaaa, Taxadar, dhoola cadeyn, oohin, cafis, wadaagis, aaminaad, iyo weliba waxa uu yahay jaceylka, waxaad tahay macalinkeygii dunida kazoo casharada uu ibaray weli ku dul qoranyihiin xinjiraha wadnaheyga.

Waqtiga farxada, waqtiga waqtiga murugada, waqtiga maalintii, waqtiga habeenkii, iyo waqtiga hurdadaba adigaan kuu xiisaa oo aay naftu tabtaaaaa.

Albaabada xusuustaada weligood maxermayaaan oo waa iska furnaanayaaan, inta aan kuu xiisay qof bini aadam ah maskaxdiisa maximili karto, maalmaha waxey igu gudbaan anigoo xusuusteenii dhex mushaaxanayo, inta maalintii aan kaa maqanahay aan kula sheekeysaneyn waxaan lasheekeystaa xusuusteena iyo ilmada indhaheyga kazoo burqaneyso.

Xikmada kobciyemedia.com waxey ku leedahay ilbiriqsi weliba ee noloshaada kusoo maro, waa sawir aanad weliga horay u arkin, kaasoo haddana aadan weligaa dib u arki doonin, sidaa awgeed ilbiriqsi weliba ee kusoo maro kaga faaideyso cibaado iyo qancinta lamaanahaaga.

W/D Ibrahim Ali Abdi “Kalafoge”


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply