fb

XaQiidu Way Ka Fogtahay Sida Aad Ka Xigatay Banaanada’ Dhanbaal Jaceyl & Qalinkii WaaSuge’

Published: March 12, 2014, 6:58 pm

Intii aan xalay hurdayey ayuu soo dhacay ‘Fariin Qoraaleedku/Sms’ markii uu waagi ii baryey ee aan eegay teleefoonka waxaan ku arkay dhowr mar oo la isoo wacay iyo hal ‘MaSsage/Fariin’ aniga oo aan dib u wacin dhamaan dadkii isoo wacay ayaan daalacdey aqristey fariintii ii taalay waxayna u qorneed qaab carro leh.

Waan dareemay in uu culees jiro balse maanan garan halka uu ka jiro iyo sababta dhabta ah ee ka danbeysa hadaladan carada leh ee iiga imaanaya dhankii/dhinacii ‘Lamaanahayga’ waayo waxaan ku ogaa nabad galyo.

In kastoonan garan karin caqabadaha I horyaala waxaan ku muteeystay hadana waxaan is iri hadeer waxii dhaci lahaa wayba dhaceen bal raad raac oo soo ogoow halka aya halistaani kaaga timid iyo hadaladaan qaraarka ah, waxaanan wacay isla taleefoonkii saaxiibteyda.

Nasiib daro wuu iska dhacayaa la igama qaban. Dhorw saacadood ka dib ayaan hadana heley fariin qoraaleed la qaab ah midi hore oo aad moodo in lagu sii kordhiyey xanaaqa iyo xiisada, isla markiiba waan wactamaya hadana nasiib daro waa sidii jawaab maleh.

Waxaan tix raacay hadaladii dhaxdeena ahaa iyo maalmahii u danbeeyey aniga oo bal sal baaraya in aan ahay bani aadam oo aan fudeedey balse wax ii soo baxay ma ay jirin oo aan ka ahayn kaftan iyo jawi degan.

Intaas ka dib, waxaa gabowsadey maalintii oo waxaan madaxa galiney habeenkii goor aay fiid aheed ayaa la iga soo wacay taleefoon aanan horey u arag nambarkiisa oo igu cusub waan qabtay waxaana igala hadaly cod aan aqaano oo ahaa saaxiibteyda, salaam kooban ka dib waxaa la igu yiri Iga dhageyso warkeeyga fadlan. ??

Waayahay diyaar baan u ahay ee bal waran oo ii sheek waxaad dooneyso inaad ka hadasho baal ku iri. ?? Biloow iyo dhamaad hadalkeedu waxuu ku saleysnaa eedeeyn iyo is qab qabsan aan sal iyo raad toona lahayn waxay dul martay inaan ku guul dareystay hamigii iyo hankii aan lahaa ee ku aadanaa helideeda ugu danbeeyna waxa aay ii sheegtey inaanan dib danbe usoo xariirin oo aan iska iloobo nolol iyo geeri intaba.

Ma xuma waa u go,aankeeda gaarka ah anigana bal aan eego mideeda ii gaarka ah iyo halka aay ila gaarto.

Ka Bogosho WaCan Dhanbaalkii: ASc Wr Wb: walaasheyda qiimaha iyo qaayaha badan ahna gabadhii aan ka calmaday hablaha soomaaliyeed ee haatan ifka xaadirka ku ah, aad ayaan kaaga mahad celinayaa sida wanagsan ee aad ii soo dhaweysay horaantii iyo bilowgii xariirkeena iyo waliba sida guracan ee godobta leh oo aad u soo gaba gabayesay xariirkeenii lahaa mustaqbalka iyo mira dhalka wanaagsan iyo walaaltinimadii.

Way wanaagsaneed inaan ka hadasho asbaabta kaliftey xumaanta intaa la ek balse ma aysan dhicin waxaan hadalkaada ka dhadhansaday inuu ku heley dira diraale sheydaankuna kaa dagay qalbiga isla markaana aad qaaday wado qaldan oo aadan xataa fursad ii siin ka hadalka fakarkeyga dhabta ah iyo halka aan kaga jiro eedeyntaada laakin nasiib daro ma dhicin oo adiga uunbaa hadlay afkana I qabtey kadibna go,aan gaaray.

Xaqiiqdu waxa aay tahay inaan ka bari ah dhamaan eedeemaha aad xigatay oo aan ku seexdey wanaag iyo ka wada tashiga aayaheena laakin waxaan ku soo toosey waa ayaan daro iyo erayo aan laga fiirsan macnaha aay yeelan doonaan, dhib malaha mar kasta waxaad ii tahay qofkii aay nafteydu doontey dhinaca kalena waxaad iiga tahay gabar soomaaliyeed oo laf dhabarka nolosheeena,dalkeena quruxdeena iyo aas aaskeena.

Ugu danbeeyntiina waxaan kuu rajeynayaa aayo wacan iyo raasimaal doog leh, waxaan hubaa inaad maalin maalmaha ka mid ah dareemi doonto dhibaatada aay leedahay xad gudubka qofka bani aadamka ah ee aan macno darada logu galo amaba dusha looga saaro danbi uusan lahayn, maalintaa ayada ah ma hubi karo in aan noolahay balse waxaan rajeynayaa in mar kasta aad ku danbeeyso goob rays leh iyo guri baraaro ah. !

Waa macquul inaad dhoolaha cadeyso marka aad aqrineyso qoraalkaan adigoo u macno fahmaayo qof aad u calaacalaya laakin runtu waa qaraar tahay balse waxay leedahay tayo wanagsan oo aadan ku taahi doonin. “Nasiib wacan Allahayoow, Kaga Yeel Aduunyada, Anna Libin BarWaaQo Eh, Iiga Yeel Adoomaha”. !!

Qalinka: Ismail Abdi Aden “WaaSuge”

Bogeenii Dhanbaalada

Shimali02@hotmail.Com


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply