fb

Waxaa Lagu Koriyay Jacayl Dhalanteed Ah, Jacaylka Dhabta Ahi Maaha Sida Dadka Qaarkii Moodaan,

Published: March 14, 2014, 12:00 am

Hooyo Ma Jeceshahay Ilmahaaga??!!

Uma baahna in la is waydiiyo ama in laga fakaro jawaabteeda,wana marqaati ma doonto in ay jawaabteeda noqoneyso  waan jeclahay, naftayda ayan ka jeclahay waxaan naftayda kala bakhaylo ayaan ilmhayga u quuraa, waa qayb iga mida side baan  u jeclayn.

Ilaahay subxanahu watacala ayaa bini’aadamka dhamaan ku beeray jacaylka u dhexeeya ilmaha iyo waalidka  wax qofku iska doondoonana maaha ee waa wax ku abuuran qalbigiisa, wax naftu diido qaadana waydo ayay noqota marka la arko waalid ilmihiisa si naxariis darro ah ula dhaqma jacayl iyo naxariisna u hayn, waxayna dadku is waydiiyaan miyuusan dhalin ilmaha qofkani ..

Hadaba waxaan leeyahay jacaylka aad ilmahaga u qabto yuusan kugu xanbaarin inaad ilmahaga u noqoto La Hayste, wax walboo afkiisa ka soo baxana aad u fuliso adigoon kala eegayn waxani dhibkuu u keeni karo ilmahaaga. jacaylka ilmahaagu ha noqdo mid xuduud leh, yuusan noqon jaantaa rogan wax walbana HAYE.

ilmuhu markuu yar yahay waxa dantiisu ku jirto ma yaqaano waxa u wanaagsan ma yaqaano, wuxuu diidayo hadii la waydiiyo maxaad ku diiday wuxuu leeyahay ma jecli, yuusan jeclaan laakin waxaa dhici karta in dan weyn ku jirto lagama maarmaana ay u tahay noloshiisa, koolkoolinta xad dhaafka ah waxay ka dhigtaa ilmaha inuu noqdo Madaxa  iyo maamulaha guriga, wuxuu amro lagu socdo,

Wuxuu rabo ku qasbi kara waalidkii faaiidaba yaysan ku jirin waxan uu ku qasbayo reerka, koolkoolinta xad dhaafka ah waxay ilmaha ka dhigtaa mid kaligii taliye ah, cid kalena aan la tashan taasna waxaa ugu wacan barbaarintiisii hore oo ahayd midaan ku salaysnayn tarbiyadii munaasibka ahayd in lagu hago.

Waxaa lagu koriyay jacayl dhalanteed ah. jacaylka dhabta ahi maaha sida dadka qaarkii moodaan,,jacaylka dhabta ah waa kan waalidku ilmihiisa kala baro waxa laga yeeli karo  ilmaha iyo waxaan laga yeeli karin, jacaylka dhabta ah waa kan la baro ilmuhu inuu xuduudiisa dhaafin haduu isku dayo inuu dhaafana la tuso iyadoo la adeegsanayo hadal wanaagsan iyo naxariis.

Jacaylka dhabta ah waa kan ilmaha loo tilmaami karo in qaabkuu u dhaqmay uu yahay midaan fiicnayn loogana digo inuu mar kale ku noqdo ficilkaa. waan qaldamay hooyo /aabe in la baro ilmaha waa arin wanaagsan mustaqbalkana anfici doonta, cudur daarashadu waa sifo wanaagsan qof walbana ay haboon tahay. Inuu is baro kalmada ah Raali ahoow,gaar ahaana caruurta lagu barbaariyo.

Jacaylka aan booskiisii la dhigin, jacaylka ka badbadiska ah wuxuu ilmaha u horseedi karaa akhlaaq xumo. caruurta koolkoolinta xad dhaafka ah lagu koriyo. ilmaha walaalihiisa kale laga kormariyo kaligiina loo muujiyo in laga jecel yahay caruurta kale waxay mararka qaar waalidku kala kulmaan dabeecad ayna ka fileyn sida madax adeyg, af ku celin waalidkii lagu af celiyo taa macnaheedu maaha caasi aan biyo is marin buu noqday ilmihii,.

Waxaase ugu wacan baa la oran karaa isagoo loo xanbaariyay wax tankiisa dhaafsan, koollkoolis dheeraadana la tusay, sidoo kale taas macnaheedu maaha ilmaha yaan la koolkoolin jacayl iyo naxariisna la tusin laakin wax walba marka la dhaafiyo xadkoodii waxay isku badalaan cagasigooda, koolkoolinta badan ilmaha qaar waxay ka dhigtaa ilmo aan loo talin karin, Tusaale hooyadii ama aabihii oo la hadlaya ku dhahaaya waxaa qabo ama ceeb jooji waxaad sameynayso waa maxay?

Waxaad arkaysaa isagii oo iska sii wata howshiisii cidda lala hadlayaba isaga maaha! waa la canaanaya ama la dilay markuu ooyana lagu dhaho  hooyo Macaan ii aamus, raali ahoow, isagii baaba dib loo maslaxanaya, halkaa maxaa ka dhashay inuu isku arko inuu saxsanaa wax qalad ahna haba yaraatee uu sameyn,  markii  loo gafayna dib loo raali geliyay isagi.i

Dilku marna maaha xalkii kama danbeysta ee ilmuhu ku hagaagayaan,  dilka badan ilmaha waxay ka qaadaan madax adeyg iyo inaysan kala jeclaan hadii la dilo iyo hadii kale ee natiijo fiican ma keeno inta badan, way dhacdaa inuu marmar xal noqdo,waxaan ku soo koobayaa ilmahaaga intuu xaashi cad yahay waxaad rabtana aad ku qori karto ku tarbiyee tarbiyo dhaxalgal ah taasoo aad u aaydo mustaqabalka.

Mar Kale Aan Ku Weeydiiyee Hooyo Ma Jeceshahay Ilmahaaga??!!


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply