fb

Wax Badan Ka Baro Kalsoonida Iyo Macnaha Guud Ee Aay Xambaarsan Tahay.

Published: March 10, 2014, 4:07 pm

Assalamu calaykum waraxmatulaahi wabarakaatuh

Kalsoonidu waxay sabab u tahaya madaxna u tahay wax soo saarka iyo guusha qof walboo inaga midda. Kalsoonidu waa dhul adag taasoo ay ka bilaabato awooda firfircooneed ee nolosha qofka bini aadamka . dhan walbaa ha noqoteeeWaxbarasho…shaqo bulsho. ..

Waxan shaki ku jirin in qofka naftiisa ku kalsooni uu gaari karo meelo sare oo hogaamineedyuusanba xanbaarsanan shahaadooyin sareeyeee.
Taasna wuxuu ku gaarayaa wax kale maheee waa kalsoonida uu ku qabo naftiisa iyo Himmo sareysa oo uu haysto, kalsoonida aad nafatada ku qabtaa waa dariiqa guusha ee nolosha . ku dhicistaada kalsooni darada iyo inaad isku aragto qof aan waxba sameysan Karin iyo ka noqnoqashada go,aamada , deganaan la,aanta waaa waxa ugu horeeyee keena fashalka guuldarada..

Waxaan luminaaa awoodo badan oo ilaahay nagu galadaystay anagoo aan ogayn.. taaasoo hadaan ka faaiideysan lahayn aan sameyn kari lahayn waxyaalo badan.

Waxaa jira dad si khaldan u fasirta kalsoonida markay maqlaan  dad badan waxay rumeysan yihin inay kalsoonidu wada joogto ama ka wada maqan tahay qofka , tusaale in la yiraahdo qofkaa waa qof naftiisa ku kalsoon . kanna waa midaan ku kalsoonayn, laakin dhab ahaan waa iyadoo kalsoonidu marna hoos u dhacda marna kor u kacda , taasoo ku xiran duruufaha ku hareeraysan qofka sida xaalada markaa taagan. Meesha . waqtiga .mowduuca .

Tusaale qofka ka hadlaya mowduuc uu si fiican u garanaayokalsoonidisu way ka sareysaa markuu ka hadlayo mowduucuusan ka aqoon wax yar mahee , laakin hadii kalsoonidu tahay mid kor u kacsan iyadoo laga hadlaayo duruufahaan soo sheegnay. Sida mowduuca. Waqtiga. Meesha . hadana aan aragno qofkii oo ay hayso kalsooni darro., waxay tusaysaa taasi, Cilad ku jirta shaqsigaa isaga ah.

Qofka naftiisu ay aad ula weyn tahay kalsoonidiisu waa mid daahirka kaliya ah , mana aha kalsooni dhab ah Sidoo kale qofka naftiisa aad u liida ama yaraysta waxa la soo darsadaciifnimo ku timaada kalsoonidiisa iyo inuu isku arko inuu yahay mid dadka kale ka liita inuu iyaga ku tiirsado mahee aan kaligiis meel mari Karin ama wax qabsan Karin

Dadka qaar ayaa mooda Cinnadka iyo ku adkaysiga rayigooda inay ka mid tahay kalsoonida , khaladba ha noqdee rayigiisu . iskunna arka go,aankaas aan fiicanayn ee uu ku dhegan yahay inay u sameynayso dadnimo iyo shaqsiyad adag..

Waxaa sax ahinuu qofku yahay mid rayigiisa bedela markuu u arko inuu khaldan yahay lagana saxsan yahay una cadaato khaladku inuu dhinciisa yahay, qofkaas ayaa la dhihi karaa waa qof kalsooni buuxda haysta.

Taaariikhda kuwa ku caan baxay wanaaga iyo shaqsiyad mudan ku dayasho ayaa cadeynaya arinkaan.

Rasuulka SCW. Dagaalkii bader wuxuu bedelay mowqicii ay jogeen ciidanka musliimiintu ka dib markuu saxaabigu u shegayinay meshaan bedelaan una cadaatay inuu saxsan yahay taasoo cadeynaysa in qof walbaa looga danbeeyo cilmiga iyo wuxuu ku takhasusay wixii talo ahna laga qaato.

Sidoo kale Xudeybiyah wuxuu qaatay Rayigii Umu salama , Alaah ka raali noqdee rayigeedii wanaagsana ee ay ku badbaadisay muslimiinta inay ku dhacaan macsida Rasuulka SCW.

Qaar kale waxay moodaan in kalsoonida naftu tahay in dadka kale lagu qasbo ama la rabsiiyo waxaad rabto. Laguna qanciyonidaamkaaga . qawaaniintaada maamuleed , dhaqankaaga bulsheed , si saliidnimo ah ama qaswo ah , (qalafsanaan iyo ad adkaan) ,
xishoodka oo laga tago oo la yeesho indho adeyg xad dhaaf ahayaa qaar kale oo ka mida bulshada moodaan,.

Inay tahay kalsooni buuxda, indho adayga xad dhaafka ah wuxuu keenaaainaa dhex gasho arimo badan oo ku fiicnayn eedaabta , iyo dhaqanka wanagsan,. Sida inaa dhex gasho, arimo u gaar ahdadka kale ama waydiiso su,aalo shaqsi ah ,,,

Kalsoonidu maaha mid lid ku ah inaa sameyso waxaad rabtolaakin waxay ka soo horjeeda faanka , iska sareysiinta dadka kale. Isla weynida. Waa sifo wanagsan oo ku gaarsiinaysa inaa naftada ku faanto sidaa tahay ku qanacdo isu aragto, qof wax qabsan kara ilaahayna talada saarta mar walba ku qanacsan awoodaha uu siiyay Rabbigiisa kana faaiideysta , kuna dadaala inuu hormariyo naftiisa wax walboo wanaag ahna ka qaata dadkakale ee aan xumaanta kaliya ka qaadan ugana dayan.

Lasoco inta maqaalka ka dhiman…

WQ :Najma Saciid


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply